Atariishada Bollywoodka Shabana Azmi iyo darawalkeeda gaarka ah ayaa shil baabuur ku galay meel u dhaw Khalapur kuna taalo wadada u dhaxeyso Mumbai iyo Pune waxaana lagu soo waramayaa in shilkaasi ay labadoodaba ku dhaawacmeen.

Atariishadaan Bollywoodka ayaa dhaawaca soo gaaray kadib markii gaarigooda uu shil galay kuna dhacay gaari xamuul ah xili ay ku safrayeen wadada u dhaxeyso magaalooyinka waaweyn ee Mumbai iyo Pune waxaana durba loola cararay isbitaalka MGM Hospitaal kaasoo ku yaalo goobta la yiraahdo Panve.

Ilaa hada ma cada xaalada rasmiga ee atariishadaan ku sugantahay iyo hadii dhaawaceeda mid halis yahay ama fududyahay waxaana lakala ogaan doonaa markii isbitaalka laga soo bixiyo misna dhakhaatiirta xaalkeeda kasoo warbixiyaan.

Wixii war ee kusoo kordho dhaawaca Shabana Azmi kala soco shabakada Filimside.net.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here