Xidigta caanka ah ee laga daba dhacay aya saxiixatay mashruuc weyn oo sheekadiisa laga soo xigan doono buuga Mahabharat ee qisooyin boqortooyo arimo diini hindu ah ku qoron yihiin waxaa maalgalineyso Deepika isla iyada ayaaba iska leh mashruucan balse waxaa la wadaagto oo la maalgalin doonto Madhu Mantena.

Filimkaan waa sheeko taariikh ah oo ku xeen daaban arimaha diinta hinduuga iyo boqortooyo hore sidaa aawged qeybo badan ayaa laga sameeyn doonaa qeybta kowaad waxaa la sheegay in Diwali 2021 la daawan doono.

Wali lama oga Director-ka Filimkaan iyo jilayaasha kale Deepika la jili doonaan Filimkaan waxaase la Filaa in goordhow lagu dhawaaqo warkaan weyn waxaa baraha bulshads ku shaaciyay Taran Adarsh.

Dhanka shaqada Deepika waxay ku mashquulsantahay Filimka Chhapaak ee ka hadlaayo gabar wajiga aashito looga shubay 10 Jan 2020 ayaana la daawan doonaa halka ay isku dhici doonaan Ajay Devgn iyo Kajol Filimkooda Tanhaji oo isla xiligaas la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here