Mudo sanado badan waxaa lagu doodayey sabata Superstar Hrithik Roshan iyo atiriishada Deepika Padukone uwada shaqeyn la’yihiin ileen waxay kamid yihiin xidigaja taariikh ahaan abid aan isla shaqeynin.

Taageerayaashoda labada dhinac wey isla rabeen inee isla shaqeyaan xidigahan oo shaashada wey isku fiicanyihiin ayee dhaheen balse Filimsameye isku keeno labadooda ayaa intaas la weysanaa iyo sheeko anfacda.

Hader waxaa la helay Filimkii, waa Filim aan wali magac loo bixinin balse doorarka ay kujili doonaan marka la eego waa mashruuc gabi ahaanba ay daawan karaan kaliya reer hinduga sababtana waa in diinta hinduga uu ka hadlaayo mashruuca oodhan mana ahan wax ay daawan karaan muslimiinta.

Hrithik waxuu kujilaa Filimka doorka Krishna oo ah mid kamid ah sanamyada ay caabudaan Hinduga Alle na ay ka dhigteen hadaba waa arin qatarteeda wadata in shaashada lagu jilo maqaam Allah-nimo mana ahan markii ugu horeysay hindiga Filimo noocan ah ay sameyaan.

Dhanka shaqada HR waxuu dhex dabaalanayaa guusha Filimadiisa WAR iyo Super 30 halka Deepika tiyaatarada u saaran yahay Chhapaak waana Filim shacabka Hindiga iska diideen inee daawadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here