Burak Deniz (Muraad) waa soo laabtay iyo taxanaha cusub ee uu lasoo shirtagi doono.

0
568

Burak Deniz oo ah jilaa aad looga jecelyahay gudaha Turkey iyo daafaha caalamkaba ayaa ugu dambeyn dib ugu soo laabtay TVyada asigoona lasoo shirtagi doono taxane cusub.

Burak oo ay soomaalida u taqaano Muraad ayaa horay u sameeuyay taxanayaal badan oo guuleysteen waxaana ugu weynaa taxanaha Bizim Hikaye oo ay lawaday atariishada Hazal Kaya kaasoo sanadkii hore dhamaaday.

Burak ayayna taageerayaashiisa aad u sugayeen taxanaha xiga ee uu lasoo shirtagi doono ugu dambeyn waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay taxanaha Marasli.

Taxanahaan cusub ayaa waxaa Atariisho koowaad ka ah gabadha lagu magacaabo Alina Boz, sidoo kalana waxaa Directed ka ah Kudret Sabancı waana taxane xiiso leh oo siweyn loo sugaayo.

Akhbaarta farxada leh ee aan idiin heyno ayaana waxay tahay in taxanahaan maanta duubis lagu bilaabay sidoo kalana bisha dambe ee November la daawan doono xalqadiisa koowaad.

Nasiib waxan Burak oo kooxda taxanaha Marasli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here