Burak Ozcivit ma wuxuu ka careysanyahay in mushaarkiisa waalida ah bulshada loosoo bandhigo? Iyo fariintii uu diray.

0
1356

Waxaan horay idiinla wadaagnay in Burak Ozcivit oo haatan ah hogaamiyaha taxanaha Dirilis Osman in halkii xalqo uu mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan 325,000 oo liiro waxayna u dhigmataa 57,000 oo dolar halkii xalqo.

Barnaamija Gel Konusalim (aan sheekeysano) oo laga sii daayo kanaalka TV8 ayaa lagu soo bandhigay mushaarka Burak Ozcivit iyadoona la sheegay in isbuucii yacnii halkii xalqo uu ku qaadan doono 325,000 oo liiro una dhiganto 57,000 oo dolar taasoona ka dhigan in bishii mushaarkiisa yahay 1 Million iyo 300,000 oo liiro una dhiganto 229,000 oo dolar.

Burak oo arintaas ka careysan ayaa fariin u diray soo saaraha barnaamijkaas oo la yiraahdo Hakan wuxuuna fariinta ugu qoray sidaan; “ walaalkey waxaad sameysay waa ceeb, waxaadna isku badashay xisaabiye” asigoona intaas usii raaciyay; “ maalka iyo hantida muhiim ma ahan ee waxaa muhiim ah sida aan howshaada uga soo baxdid”.

Burak ayaa intaas ku daray in isbuuc kasta uu haatan joogto u shaqeeyo asigoona noocyo badan oo tababar sameeyo si uu uga run sheego doorkiisa Osman Bey uu ku matali doono taxanaha Dirilis Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here