Burak Ozcivit waa beenlow waxaana buuq kala dhaxeeyaa xaaskiisa fahriya xili lagu wado inuu furo.

0
1507

Saxaafada maalinkasta warar ayay qoraan balse wararkooda inta badan ayaa been ah inkastoo ay jiraan warar badan oo run noqda markii saxaafada qortay kadib.

Maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa mid kamid ah beenihii ugu waaweynaa ee saxaafada turkida qortay sanadkii hore xili ay Burak ku tilmaameen beenlow sidoo kalana sheegeen in asiga iyo xaaskiisa Fahriye Evcen buuq kala dhaxeeyo isna furi doonaan.

Arinka ayaa dhacday kadib markii Burak oo ka qeyb galayay barnaamij la yiraahdo GO oo Turkish ah laweydiiyay sababta aysan xaaskiisaa ula socon oo uu galigiis barnaamijka u yimid balse Burak ayaa ku jawaabay in Fahriye howlo shaqo ku mashquulsantahay.

Hase yeeshee isla daqiiqadihii Burak barnaamijkaas wareysanayay ayay xaaskiisa Fahriye barteeda Instagramka soo galiyay sawir iyadoo TVga guriga daawaneyso arintaasoona saxaafada ku sheegeen in Burak beenlow yahay.

Warkii halkii kagama harine waxay sii raaciyeen sababta uu uga soo tagay iney aheyd maadaama ay isku dhacsanyihiin sabab la xiriirta cadaadis Fahriye ka heysto dhanka sodohdeeda Burak hooyadiisa taasoo dooneysay in Fahriye caruur dhasho oo uur qaado si ay ayeeyo u noqoto una aragto caruurta wiilkeeda.

Fahriye ma aysan dooneyn in xiligaas uur yeelato waana arin is qabqabsi keentay sida ay saxaafada waagaas qortay furiina lagu balamay.

Balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in dhamaan waxaasi turufo noqdeen haatan Burak iyo Fahriye wali wey wada noolyihiin waxaana u joogo hal wiil oo Karan la yiraahdo.

Dhanka shaqada Burak waxaa u diyaarsan oo uu sanadkaan dhamaadkiisa lasoo shirtagi doonaa taxanaha weyn ee Dirilid Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here