Home » Box Office » Business Update: Ajay filimkiisa Raid iyo ganacsigiisa halka uu maraayo mudo 47-maalmood ah

Business Update: Ajay filimkiisa Raid iyo ganacsigiisa halka uu maraayo mudo 47-maalmood ah

Superstar Ajay Devgn filimkiisa Raid ayaa weli tiyaatarada saaran waxayna shabakada Boxoffice India soo daabacday filimkaan mudo 47-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay.

Raid ayaa tiyaatarada la saaray 16 Maarso 2018 haatana ganacsigiisa guud wuxuu sare u yara dhaafay 98 Crore (Trade Figure) waa lacagta ay BOI baahineyso.

Raid ganacsigiisa wuxuu istaagi doonaa marka uu todobaadkiisa todobaad dhameesto taasi oo ka dhignaan doonto inuu mudo 50-maalmood tiyaatarada saarnaado waana guul weyn Ajay usoo hoyotay oo muujineyso mashruucaan in daawadayaasha siweyn u aqbaleen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raid ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay mudo 47-maalmood ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 59.86 Crore

Todobaadka labaad – 25.17 Crore

Todobaadka sedexaad – 8.75 Crore

Todobaadka afaraad – 2.62 Crore

Todobaadka shanaad – 90 Lakh

Todobaadka lixaad – 56 Lakh

Todobaadka todobaad – 20 Lakh (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 98.05 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Raid ayaa suuqyada caalamka ganacsi wacan ka sameeyay asigoo kasoo xareeyay $3.3 million waana lacag wanaagsan marka loo eego fariintiisa xadidnayd wuxuuna noqday filimka 6-aad ee Ajay Devgn sameeyay kaasi oo lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyo.

Fadlan hoos kaga bogo Ajay Devgn 10-ka filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen:

1. Golmaal Again (2017) – $7.21M

2. Golmaal 3 (2010) – $4.62M

3. Raajneeti (2010) – $4.22M

4. Singham Returns (2014) – $4.13M

5. Bol Bachchan (2012) – 4.09M

6. Raid (2018) – $3.30M

7. Son of Sardar (2012) – $2.81M

8. U Me Aur Hum (2008) – $2.80M

9. Drishyam (2015) – $2.59M

10. Baadshaho (2017) – $2.58M