Home » Box Office » Business Update: Filimada Raid, Hichki iyo Blackmail halka uu ganacsigooda maraayo

Business Update: Filimada Raid, Hichki iyo Blackmail halka uu ganacsigooda maraayo

Superstar Ajay Devgn filimkiisa Raid ayaa weli ganacsi sameenayo wuxuuna keenay 75 Lakh todobaadkiisa shanaad waxaana muuqato in 1 Crore uu keeni doono todobaadkiisa shanaad.

Sida muuqato Raid ganacsigiisa wuxuu ku istaagi doonaa 97.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI sadaalineyso waana filim HIT ah.

Fadlan hoos ka eeg Raid iyo ganacsiga uu sameeyay mudo shan todobaad ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 59.86 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 25.17 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 8.75 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 2.62 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 75 Lakh (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 97.14 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Rani Mukerji filimkeeda Hichki ayaa weli ganacsi sameenayo wuxuuna haatan ganacsigiisa marayaa 24 Crore (Trade Figue) mudo 24-maalmood kadib waxaana la rajeynaa in ganacsigiisa 45 Crore ku istaagi doono waana filim HIT ah.

Irfan Khan filimkiisa Blackmail wuxuu keenay 2.25 Crore todobaadkiisa labaad mudo afar maalmood ah ganacsigiisa guudna haatan wuxuu marayaa 17 Crore (Trade Figure) wuxuuna ku istaagi doonaa 18 Crore cimri ahaantiisa waana mashruuc guul dareestay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *