Home » Box Office » Business Update: filimka Secret Superstar iyo ganacsigiisa gudaha Hindiya halka uu maraayo

Business Update: filimka Secret Superstar iyo ganacsigiisa gudaha Hindiya halka uu maraayo

Filimka Secret Superstar ee hogaamiya ka tahay Zara Waisam halka Aamir Khan uu muuqaal marti la fidiyay ku lahaa ayaa ganacsigiisa gabo gabo ku dhow madaama tiyaatarada la saaray 19-kii October 2017.

Filimka Secret Superstar ganacsigiisa wuxuu ku istaagi doonaa 62.50 Crore (Trade Figure) waana filim guuleestay sidoo kalena keenay ganacsiga fariintiisa u qalantay madaama shan ilaa lix magaalo laga daawanayay.

Balse saxaafada waxay ka dhigeen filim Aamir Khan oo 100 Crore gaari karo xaqiiqadana sidaas ma ahan oo Secret Superstar intaaba wajiga Aamir Khan ayuu ku gaaray madaama Hindiya oo dhan soo dhaweyn guud uusan ka helin.

Secret Superstar ganacsigiisa ugu wacan Mumbai ayuu ka sameeyay wuxuuna ka keenay 21 Crore sidoo kalena Mysore wuxuu ka keenay 5.50 Crore waana goobaha Aamir aflaantiisa sida weyn marwalbo kaga gadmaan.

Fadlan hoos kaga bogo Secret Superstar ganacsiga uu sameeyay ilaa iminka:

Todobaadka kowaad – 41.16 Crore

Todobaadka labaad – 13.90 Crore

Todobaadka sedexaad- 5.22 Crore

Todobaadka afaraad – 1.61 Crore

Todobaadka shanaad – 41 Lakh

Todobaadka lixaad – 13 Lakh

Todobaadka todobaad – 3 Lakh (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud -62.46 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *