Home » Box Office » Business Update: John Abraham filimkiisa Parmanu oo ganacsigiisa si heer sare ah ku socdo

Business Update: John Abraham filimkiisa Parmanu oo ganacsigiisa si heer sare ah ku socdo

John Abraham filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ayaa ku socdo inuu ganacsi adag sameeyo todobaadkiisa labaad wuxuuna keeni doonaa 16.50 Crore taasi oo ka dhigi doonto mudo labo todobaad wadar ahaan ganacsigiisa inuu sare u dhaafo 50 Crore.

Sidoo kalena Parmanu wuxuu fursad wacan u heestaa inuu 60 Crore gaaro cimri ahaantiisa wuxuuna tiyaatarada sii saarnaan doonaa xitaa Race 3 marka masraxa lasoo saaro madaama mashruucaan soo dhaweyn wacan uu ka helay daawadayaasha gobolada kala duwan ku nool sidoo kalena fariintiisa ay tahay mid wadaninimo ah.

Fadlan hoos kaga bogo John Abraham filimkiisa guuleestay iyo ganacsigiisa Update-ka ah ee shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 34.75 Crore

Jimco labaad – 2.25 Crore

Sabti labaad – 3.25 Crore

Axad labaad – 4.25 Crore

Isniin labaad – 1.75 Crore

Talaado labaad – 1.75 Crore

Todobaadka labaad – 13.25 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 48 Crore (Trade Figure)