Home » Nolosha Jilaayaasha » Bye Bye Deepika: Priyanka Chopra Oo Noqotay Atirishada Ugu Mushaarka Badan Bollywoodka!!

Bye Bye Deepika: Priyanka Chopra Oo Noqotay Atirishada Ugu Mushaarka Badan Bollywoodka!!

Atirishada Bollywoodka ugu mushaarka badan waxaa in mudo ah ahed Deepika Padukone balse waxaad moodaa Deepika in culees lasoo saaray soo laabashadii Priyanka-na wax badan is bedeleen.

Horey Deepika waxay ahed atirishada Hindiya ugu shacbiyada balaaran barta Instagram-ka balse darajadaas hader waxaa kala wareegtay Priyanka Chopra oo noqotay mid ugu shacbiyada balaaran.

Atirishada ugu awooda badan Bollywoodka Deepika ayaa markii hore ahed balse hader Alia Bhatt ayaa kala wareegtay kadib markii ay la timid filmka Raazi haatana Deepika markale darajo sedexaad ayaa lagala wareegaya taaso ah atirishada ugu mushaarka badan Bollywoodka oo ay Deepika mudo ahed.

Warar kasoo baxaya dad ka akdhow Priyanka Chopra waxay sheegen in ay Priyanka dalbatay mushaar ah 14 Crore sameenta filmka Bharat ee Salman Khan hogaamiyaha ka yahay balse kooxdas ayaa ka cawatay lacagtaas badan haatana waxaa la sheegay in Priyanka Bharat ku sameen doonto lacago dhan 12 Crore.

Deepika mushaarkeda ugu badan waxay ku qaadatay filmka Padmaavat oo lagu siiyay 12 Crore xitaa ay kaga lacag badisay atoorayaashi la jilaayen ee Ranveer iyo Shahid balse soo laabashadii Priyank hadii y 12 Crore ka bilaawdo waa hubaal mashaariicdeda xigaan inee 13 ama 14 Crore ku sameen doonto xitaa 15 Crore ayee dalban kartaa hadii Bharat Blockbuster noqdo sidaasna waxaa lagu macsalaameyay Deepika oo darajadan heesatay…

 

2 Responses to Bye Bye Deepika: Priyanka Chopra Oo Noqotay Atirishada Ugu Mushaarka Badan Bollywoodka!!

  1. Maryan

    June 14, 2018 at 11:53 am

    Instargam waa isku mid xaga shacbiyada 24.3 milyan twitterka deepika badan

  2. moha

    June 14, 2018 at 9:29 pm

    Deepika neceeb xunaa u qabtiin markaas maxaa yeelay ilaa hada meel lagaga badan yahy oo aad sheegteen majirto dhnka inst same ayay ka yihiin twiterkana deeoika ayaa ka badan marka iska saxa waxaad soo qoraysaan