Sida ay qoreen shabakadaha CNNka iyo The Guardian ee USA iyo UK laga leeyahay waxaa xaalad halis ah ku jiro dameerka aduunka ku nool sabab la xiriirta dalabaadka saa’idka noqday ee shirkadaha daawooyinka Shiinaha.

Sida warbixinada lagu sheegay wadanka Shiinaha ayaa maqaarka dameeraha bilaabay inuu ka sameeyo daawada la yiraahdo Ejiao taasoo loogu talo galay qandho jabinta iyo qufac joojinta waxayna shiineyska daawadaan ka sameeyaan maqaarka dameeraha.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dareysaa in shirkadaha China ay markii hore ka bilaabeyn maqaarka dameeraha wadanka China joogo balse waxaa dhacday in dameerkii Shiinaha hoos u dhaco 72% taasoo kaliftay iney ku tiirsanaadaan dameerada lasoo dhoofiyo.

Shiinaha ayaa wadamo badan dameero kasoo dhoofsado waxayna arinkaan saameyn ku yeelatay dameerihii aduunka ku noolaa kuwaasoo haatan lagu soo waramaayo in 5 sano kadib 50% hoos u dhici doonaan hadii arinkaan sii socoto.

Arinta kale ee xusida mudan ayaa waxay tahay in dameeraha aysan kamid aheyn xayawaanada dag daga u tarma balse si gaabis ayay u tarmaan taasoo halis sii galin karto in gabi ahaanba dameeraha aduunka dabar go’aan hadii xaalada sidaan kusii socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here