Megastar Salman Khan filimkiisa Radhe oo la qorsheenayo in la daawado Ciidul Fitrigan ama 22-ka May 2020 duubistiisa waa gabo gabo kaliya waxaa ka harsan jadwal 8 ilaa 10-maalmood ah waxaana shaqadaas la amba qaadi doonaa marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato oo laga guuleesto Coronavirus balse haatan Sallu gurigiisa ayuu fadhiyaa wuxuuna la mid yahay jilaayaasha Bollywood-ka oo guri joogo noqdeen.

Salman Khan waxaa laga helay warbixin u gaar ah howlaha xiga ee uu qaban doono waxaana u qorsheesan Superstar-kan sanadka dambe sedex filim inuu la imaado si awoodiisa hogaanka Bollywood-ka marnaba aysan hoos ugu dhicin madaama culees ama cadaadis uu kaga imaanayo dhanka Akshay Kumar oo sanad walbo sedex ama afar filim la imaado.

Salman Khan marka uu duubista Radhe soo idleeyo wuxuu bilaabi doonaa shaqada filimka seedigiis Ayush Sharma hogaamiye ka yahay oo uu door askari Punjabi ah ku jilaayo wuxuuna ku leeyahay filimkan jadwal 25 ilaa 30-maalmood ah doorkiisana waa mid caawiye saameyn adag leh.

Sida shabakada Bollywood Hungama ogaatay kadib Salman Khan wuxuu bisha August dhamaadkeeda duubis ku bilaabi doonaa filimkiisa Kabhi Eid Kabhi Diwali lana daawan doono Eid 2021 wuxuuna dhawaan Sallu la kulmay soo saare Sajid Nadiadwala sidii mashruucan loo dadajin lahaa duubistiisa wuxuuna rabaa sedex bilood ilaa 4-bilood xariir ah inuu filimkan kusoo gaba gabeeyo.

Ugu dambeyntii Sallu wuxuu duubis ku bilaabi doonaa dabyaaqada sanadkan ama horaanta sanadka dambe filimkisa taxanaha hirgalay waa Tiger 3 oo Katrina Kaif la jileyso wuxuuna Sallu rabaa mashruucan caanka ah in dabyaaqada sanadka dambe la daawado Diwali 2021 ama Christmas 2021 waxayna midaas ka dhignaan doontaa sanadka dambe sedex filim si uu Bollywood-ka wacdaro xoogan kaga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here