Cadaalada Alle; Akhriso qisadaan hadaad dooneyso cadaalada Alle inaad aragto.

0
683

Waxaa la wariyaa alle ayaase xaqiiqda oge in Nabiyullaahi Muusaa Caleyhi Salaam uu alle weydiiyay inuu tusiyo cadaaladiisa.

Allaah wuxuu nabi Muuse ku amray inuu buur hebla tago oo hoosteeda waxa ka dhacayo uu arko.

Nabi Muuse ayaa buurtii yimid halkiina fariistay.

Buurta waxaa ku hoos yaalay ceel, ceelkii ayaa waxaa kor yimid nin seef iyo faras wato,
Wuxuu kaloo watay lacag aad u tiro badan.

Ceelkii ayuu biyahii ka cabay wuuna iska tagay lkn lacagtii ayuu meeshii ku iloobay.

Xoogaa yar kadib waxaa meeshii yimid nin ari jir ah arigii ayuu ceelkii ka waraabsaday wuxuuse meeshii ku arkay lacagtii uu ninkii faraska watay meesha ku iloobay.

Lacagtii ayuu qaatay wuuna iska tagay.

Waxyar kadib waxaa meeshii yimid oday waayeel ah ceelkii ayuu isna kor fariistay.

Asigoo meeshii fadhiya walina dhaqaaqin ayaa waxaa yimid ninkii faraska watay oo lacagtii raadinaya.

Wuxuu u yimid odaygii wuxuuna weydiiyay lacagtii uu meesha ku ilaabay lkn odaygii ayaa ugu jawaabay inuusan lacag arkin.

Ninkii faraska watay aad ayuu u xanaaqay wuxuuna odaygii ku yiri ama lacagtii ama waan ku dili.

Odaygiina go’aankiisii ayuu ku adkeystay kaasoo ahaa inuusan lacag arkin.

Ninkii faraska watay ayaa markaas odaygii meesha ku dilay iskana tagay. 😢😢.

Nabi Muuse caleyhi salaam sidey wax u dhacayaan oo dhan wuu u jeedaa, markaas ayuu allaah ku yiri: eebow tani cadaalad ma ahan ee sidee wax u jiraan??

Allaah ayaa markaas ugu jawaabay Muusow tani waa cadaaladeyda, Ninka odayga ee la dilay hada kahor wuxuu dilay ninka faraska wata aabihii mana is oga, amaa lacagta waxaa laga soo dhacay ninki ari jirka ahaa aabihiis waxayna u laabatay ari jirkii”.

Ilaahay waa caadil waana xakiim fal suuban.

Wax kasta oo dhacahayo cadaaladiisa iyo xikmadiisa ayay ku dhacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here