Waqtigii Cumar bin Khadaab ayaa waxaa jirtay naag dhagar badan.

Naagta waxaa qabay nin miskiin ah wuxuuna heystay wiil ay naag kale u dhashay.

Naagta waxay laheyd oo la socon jirtay sxbo badan iyadoo la qabo ayay niman kale sxbo la aheyd.

Maalintii dambe ayaa ninkii naagtii qabay safar aaday, markuu ninkii baxay ayaa naagtii waxaa u yimid nimankii kale ay sxbda la aheyd waxayna ku dhaheen wiilkaan wuu na fadeexeyn doonaa haduu nagu kaa arko oo aabihii buu noo sheegi doonaa ee aan ka takhalusno.

Wiilkii yaraa ayay dileen iyagoo ahaa 6nin iyo naagtiiba.

Ninkii markuu soo laabtay ayuu arintii ogaaday waxa kale oo uu ogaaday in naagtiisa iyo 6daas nin ka dambeeyaan dilka kadibna qaaliga magaalada sanca ayuu arintii u gudbiyay.

Waxaa lasoo qabtay naagtii iyo 6dii ninba weyna qirteen dambigoodii markaas ayuu qaaligii magaalada Sanca warqad u qoray Cumar si arinta wax uga dhaho maadaama dilka uusan caadi aheyn oo 7qof dileen Hal qof.

Cumar markii arintii soo gaartay wuxuu go,aansaay in dhamaantood kurka kawada gooyo, balse arintii dadkii fuqahada iyo Asxabu Shuuraa ahaa ee Cumar la talin jiray wey ka biyo diideen.

Markaas ayuu Cumar ugu jawaabay oraah caan noqotay taasoo aheyd:

“والذي نفسى بيده لو تمالأ عليه أهل صنعاء لقتلتهم جميعا”

(Allaaha nafteyda gacantiisa ku jirta ayaan ku dhaartee hadey Reer Sanca oo dhan dilkaan isku garab siin lahaaheen dhamaantood waan dili lahaa”.

Kadib Cumar wuxuu amar ku bixiyay in dhamaantood kurka laga wada gooyo waana laga gooyay.

Qisadaan waxaan ka akhriyay Kitaabka Al-Mawada’ oo uu qoray Imaamu Maalik Bin Anas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here