Cajiib: 37 Gawaari Nooca Raaxada Ah Iyo 5 Gawaari Nooca Xamuulka Ah Ayaa Si Rasmi Ah Loo Burburina Si Looga Dhabeyo Dagaalka Filmka Saaho!!

Inaba caadi ma ahan Prabhas mashruuca uu soo wato waxaa la hilmaami doona Baahubali maadama Saaho si caalami ah loo duubayo Action heer sare ah iyo xarakaad aan horey loo arag.

Saaho Dagaalka layaabka leh ee ka dhici doono waxuu ka lifay in qarashka filmkaan sare u kaco ama maal galinta badato qarashaadkii markii hore loogu talo galay, hal muuqaal oo dagaal cajiib ah lagu soo bandhigayo ayaa la sheegay ugu yaraan 90 Crore inee ku baxeyso ayadoo loo wacay ninka looga haray sameynta ficilada dagaalka ah caanka Kenny Bates.

Prabhas iyo kooxdisa Saaho waxay kusuganyihiin Abu Dubai ayadoo kooxda mashruucan laga soo xigtay warkaan soo socdo,”Waxaan ku guda jirnaa duubista filmka waxaana daawadyaasha hor keeni doona 90% dagaal rasmi u dhacayao ficilo rasmi ah ayadoo hader aan sameyneeno isku dhaca 37 gaari nooca raaxada ah iyo 5 gaari nooca xamuulka ah si aan muuqaalkena oga dhabeyno.”

Bur burinta 37 gawaari nooca raaxada ah iyo 5 gaari nooca xamuulka ah oo si rasmi ah loo bur burinaayo ayaa hal muuqaal lagu qarash gareynayaa waa wax cajiib ah ayadoo 90 Crore ($13.6 Million oo dollar) kaliya hal muuqaal uun.