Ranveer singh iyo deepika padukone waxa ay ka mid yihiin lamaanayaasha ugu caansan gudaha bollywoodka iyagoo ka dhabeeyeen xariirkooda soo socday ku dhawaad 6 sano

iyagoo midoobayn taariikhda marka ay ku beegnayd 14-15 bisha november sanadkii hore laakiin labadan markii hore qof walba muusan qarin jiray xariirkooda

laakiin markii dambe shaaca ka qaadayn xariirkooda jaceyl  waana arrin si weyn loogu soo dhaweeyay bollywoodka

iyadoo dhawaan atariishada deepika padukone  ay ka qayb-galaysay showga lagu xayeesiinaayay abaal-marinta shirkada filmfare  ayaa ka hadashay warar ku saabsan nolosheeda iyo guurkeeda

deepika padukone ayaa shaaca ka qaaday arriml badan oo qarsanaa midaaso la yaab ku noqotay saxaafada iyadoo atariishadan qiratay inay iyada bilowday xariirka jaceyl ee iyada iyo ranveer singh markii  ranveer singh ay is-baranaayeen madaama ay sheegtay inay si weyn ugu heshay aktarkan

ka dib markii uu xariirkooda socday mudo 6 sano mar kale ay deepika padukone ranveer singh ka codsatay inuu guursado waana arrin la yaab ku noqotay qof walba

deepika padukone oo hadlaysa ayaa waxa ay tiri ” markii ugu horeesay aan la kulmay isaga waxaan ahaa qofka bilaabay xariirkeena madaama aan isaga si weyn kaga helay waxaan isaga mar kale la codsaday inuu i guursado waana arrin aan u baahna madaama aan hore u sameeyay dhawr xariir kuwaaso guul-daraystayn iyadoo xariirkeyga ugu horeeyay aan sameeyay anigoo 13 ah aniga ayaa u baahna guurka “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here