Neha waa mid ka mid fanaaniinta ugu caansan ee xiligan Bollywoodka Waxaana si weyn loogu xasuusta heesaheeda dhawaan galka ah sida ka ‘Garmi’, ‘Aankh marey’, ‘O saki’, ‘Dilbar’ iyo ‘Kala chashma’ iyo kuwo kale oo badan, waxayna shacabka india ay ugu riyaaqayn heesaheeda casriga ah Bollywood.

Hase yeeshe, Neha Kakkar ayaa sheegaytay arrin ka yaabisay daawadayaasha iyo qof walba oo xiiseeya aflmaata iyadoona sheegtay in fannaaniint Bollywoodka aysan waligood wax mushahar ka qaadanaynin filimada.

Neha iyadoo ka hadlaysa arrintan ayaa tiri “wax lacag ah kama qaadno in aan ku heesno Bollywoodka maadaama heesaheena  lagu bun buuniyo aflmaatooda”

31-jirkan ayaa intaa ku daray: “Waxaan lacago fiican ka helaa ama ka sameeya showyada tooska ee aan qabto  iyo waxkasta, laakiin Bollywood-ka wax lacag ah kama sameeyo.

Dhanka shaqada, Neha wuxuu  dhawaan usoo bixi doonaa hees uu la qaaday fannaanka caanka ah ee Yo Yo Honey Singh oo cinwaan looga dhigay ‘Moscow suka’ waxaana lagu qaadi doona isku jir luuqadaha Punjabi iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here