CAJIIB; Hal gabar ayay u dhashay asna Qasri 82 Million joogo ayuu ku abaal mariyay.

0
5526

Cayaaryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal iyo qaranka Germany balse asal ahaan kasoo jeedo wadanka Turkey ee Mesut Ozil ayaa waxaa dhawaan loo dhalay gabar ayadoo ayna u dhashay xaaskiisa Amine Gulse.

Amine Gulse oo iyadana Turkey ah sidoo kalana noqotay boqorada quruxda Turkey sanadkii 2014tii ayaa waxay Mesut Ozil is guursadeen sanadkii hore kadib xiriir in mudo ah ka dhaxeeyayba.

Kadib guurkooda Amine ayaa Mesut isbuucii hore u dhashay gabar wuxuuna Mesut Ozil gacalisadiisa ku abaal mariyay qasri joogo 82 Million oo liiro lacagta Turkishka ah.

Arintaan ayay saxaafada Turkey ku sheegeen sida Mesut ugu faraxsanyahay gabadha loo dhalay una jecelyahay xaaskiisa asigoona qasrigaas qaaliga ah ku abaal mariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here