atariishada Katrina Kaif waa mid lagu yaqaano dar-darta maadaama fanka Bollywood-Ka waxaan ay kusoo gashay xawaare taaso maanta ka mid dhigtay shaqsiyaadka ugu awoodda badan bollywoodka sidoo kalena loogu jecel yahay

Katrina ayaa waxa ay filim jilista kusoo biirtay sanadkii 2003 iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo Boomi kaaso noqday filim si weyn u fashilma laakiin atariishadan markii ay ku xiratay ama ay la saaxiibtay aktarka Salman Khan waxa ay noqotay mid guulaheeda ay joogto ahaadaan sidoo kalena ay yeelato awood balaaran

Katrina Kaif maanta waa atariisho aad loo wada jecel yahay waxaana midaas u sabab ah inay kaliya labo sano ay ku qaadato inay taageerayaal fara badan ku yeelato baraheeda bulshada

waxaana atariishadan isticmaalka baraha bulshada ay bilowday sanadkii 2017 iyadoo kusoo biirtaybarta Instagramka taaso maalmo kaliya ay ku yeelatay million followers waxaana midaas ka daran oo cajiib ah in labadas sano gudahood inay cagta ku marisay shaqsiyaad fara badan oo iyada kaga soo horeeyay isticmaalka barta Instagram

sida aktarka Salman Khan kaaso Instagram ka isticmaalaya muddo badan waana aktar taageerayaal fara badan ku dhex leh dunida waxaaba bartiisa Instagramka ku xiran 27.1 million followers laakiin Katrina ayaa cagta marisay Salman Khan waxaana barteeda hadda ku xiran dad gaaraya 28.9 million oo followers ah

waana arrinta si weyn kaga yaabisay dad badan maadaama Katrina Kaif muddo gaaban ay ku dhaaftay aktarka ugu awoodda badan bollywoodka xiligan Mega Star Salman Khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here