Cajiib; Sawirka gabar quraan akhrineyso oo lagu iibsaday 7.7 Million Dolar.

0
1188

Boorarka gacan kusameyska ee bari samaadkii la dawiray inta badan haatan lacago waali ah ayaa laga bixiyaa ayadoona ujeedka ugu weyn loo iibsanaayo ay tahay in guryaha lagu xardho sidoo kalana matxafyada la dhigo.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa sawir gabar quraan akhrineyso waxaana sawirkaan la sawiray 1880kii ayadoona uu sawiray ninka la yiraahdo Cusman Xamdi Bey oo u dhashay wadanka Turkiga  kaasoona noolaa intii u dhaxeysay 1842dii ilaa 1910kii.

Sawirka ayaa lagu iibiyay magaalada London waxaana laga bixiyay 6.3 Million oo gini una dhiganto 7.762 Million oo dolar waxayna sidaas ku noqoneysaa looxii ugu qaalisanaa oo turki farsameeyeen abid.

Looxaan gabadha quraanka akhrineysay ayaa la islahaa celcelis ahaan waxaa lagu iibsanayaa 600,000 ilaa 800,000 oo gini kaliya balse si lama filaan ah ayaa waxaa loogu iibsaday 7.7 Million dolar.

Hadaba sawirkaan cajiibka ah halkaan hoose ka arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here