maalin wacan akhristayaasheena qiimaha badan xiligan caalamka ayaa waxa uu maraya marxalad ka duwan kuwii hore waxaana sii yaraanaysaa kalsoonida waxaa sii kordhaysaa cabsida

sababtoo ah waxaa arkaysaa in shaqsiga kasta oo caan ah inuu qarash fara badan ku bixiyo si uu sameesto qof isaga ilaaliye u ah isagoo aaminsan inuu jiro dad isaga cadow ku ah sidaas

waxaa maanta ku hayaa 5 ilaaliye ee ugu mushaarka badan  kuwaaso ilaaliyaan aktarada ugu caansan  shirkadda bollywoodka

Ravi singh – 2.5

Ravi singh waxa uu ilaaliye u yahay aktarka shah rukh khan isagoo sanadkii mushaar ahaan u qaata lacago gaaraya 2.5 Crore (43,246)

waxa uuna ku nool yahay qasriga shah rukh khan kaaso ku yaala xaafada mannat waxaana lagu tilmaama ilaalada lagu kalsoon yahay kuwaaso xitaa naftooda u goyn kara shaqsiga ay ilaalinayaan waana mid uu kusoo xushtay aktarka Shah rukh khan

Shera

kani waxa uu bodyguard u yahay aktarka salman khan laakiin mararka qaar uma dhaqmaan sida mudane iyo shaqaalihiisa

sababtoo ah Shera waxa uu Salman khan ilaaliye u yahay ku dhawaad 18 sanadood waana labo shaqsi oo saaxiibo shera ayaa waxaa sanadkii mushaar ahaan u qaata lacago gaaraya 2 Crore ( $34,597 ) isagoo salman u raaca meel walba uu aadaayo

Yuvraj ghorpade

ninkan Yuvraj waa nin aad u caqli badan maadaama uu ilaaliye u yahay aktarka alAmir khan kaaso lagu tilmaamo inuu yahay mr. Perfectionism

Yuvraj ayaa waxa uu yahay nin xoog badan kaaso ka adag shaqadiisa isagana waxaa Amir Khan siiya mushaar badan taaso gaaraysaa 2 Crore sanadkii ( $34,597)

Jitendra shinde

ninka qoriga ka horeeyo ee lagu magacaabo Jitendra shinde waxa uu hore u ahaa isbitoore dhanka dambi baarista

laakiin hadda waxa uu ilaaliye u yahay aktarka Amithab Bachachan  isagoo la jooga xili walba xiliga wareysi uu bixinaayo xiliga uu duubista haayo xiliga uu tiyaatarada ku sugan yahay waa mid Amithab dhinac taagan

Jitendra waxa uu mar walba ka taxadiraa Amithab bachachan isagoo diyaar u ah inuu ka hortago qatar walba oo aktarka soo wajihi karto waxaana sanadkii mushaar ahaan u qaata lacago gaaraya 1.5 Crore ( $25,947)

Shreyas thele aka shri

ninka waxaa si weyn ugu kalsoon aktarka Akshay kumar isagoo hore usoo ahaan jiray photographer waxaana la sheegay in Shreyas inuu yahay nin dhaqsi badan Akshay kumar

isagoo kaga sii hormara goobta uu aktarkan u socda si uu u hubiyo sidoo kale ninkan ayaa waxa yy ilaaliye u yahay akshay kumar wiilkiisa aarav waxaana sheyas sanadkii uu mushaar ahaan u qaata lacago gaaraya 1.2 Crore ( $20 kun)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here