Cajiib waxaa lagu tilmaamay Disaster balse wuxuu noqday Super Hit asigoo waliba 8-9 Week tiyaatarada saarnaa.

0
1598

Waa arin cajiib ah in filim lagu tilmaamay Disaster yacni mashruuc guul dareystay khasaaro lixaad lehna lagala kulmi doono uu tiyaatarada baaqi ku ahaado mudo u dhaxeyso 8 ilaa 9 isbuuc isla markaasna uu noqdo filim Super Hit ah.

Filimka Housefull 4 ayaa sidaas sameeyay kadib markii qolyaha filimada ka faaloodaan ay filimkaan sheekadiisa aad u dhaliileen isla markaasna qiimeyn aad u liidato siiyeen ayagoo waliba ku tilmaamay inuu noqon doono mashruuc burbura hase yeeshee filimkaan ayaa jawaab culus ka bixiyay arintaas.

Housefull 4 ayaa todobaadkiisii koowaad keenay 135 crore asigoona noqday filimka todobaadkiisa koowaad lacagaha ugu badan kusoo xareeyo filimada Akshey hogaamiye ka yahay intaas kuma ekaanine wuxuu todobaadkiisii labaad la yimid 48 crore arintaasoo xaqiijisay in filimkaan uu yahay mid guuleystay misna Hit dhameystiran ah.

Waxaa muuqato in daawadayaasha hindiga aysan ku qancin qiimeynta kooxaha filimada ka faaloodo kuwaasoo filimka sidey u arkaan u qiimeeya waxayna taas badalkeeda daawadayaasha go’aansadeen in ayaga soo daawadaan misna qiimeyn ku sameeyaan.

Sidaas darteed Housefull 4 waxaa u suurto gashay in uu noqdo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comedy ah asigoona khadka kala baxay filimka Blockbusterka noqday ee Golmaal Again kaasoo keenay 205.50 crore halka H4 asna keenay 205.58 crore.

Isku soo wada duuboo filim lagu tilmaamay inuu yahay Disaster uu noqdo Comedyga lacagaha ugu badan soo xareeyo misna rikooro badan jabiyo sidoo kalana 8 ilaa 9 isbuuc tiyaataraka baaqi kusoo ahaado soo cajiib ma ahan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here