Jilaaga caanka ah ee dunida dhan laga wada yaqiinay Irrfan Khan geeridiisa siyaabo kala duwan ayaa looga hadlayaa waxaana Bollywood-ka ka baxay halyee aanan booskiisa la buuxin karin madaama lagu tilmaamay kan ugu jiliinka wanaagsan jiilka fanka Hindiya soo mareen 30-ka sano ugu dambeesay.

Haddaba Irrfan Khan dadka oo idil ayuu ka ilmeysiisay markii hadaladii ugu dambeeyay uu dhahaayay inta uusan geeriyoonin xaaskiisa Sutapa Sikdar saxaafada la wadaagtay wuxuuna ku geeriyooday isbitaalka lagu magacaabo Kokilaben Dhirubhai Ambani Hospital oo magaalada Mumbai ku yaalo.

Irrfan-kii geeriyooday xaaskiisa waxay Sutapa Sikdar waxay tiri “marka uu sakaraadayay Irffan afkiisa waxaa ka dhamaan waayay uma jeediin miyaa hooyo qolka ayay nagula jirtaa, weliba dhinaceyga ayay fadhisaa waxayna u timid inay dunidan iga kaxeyso.”

Sutapa Sikdar hadalkeyga wey sii wadi weesay weyna iska ilmeesay madaama arin calool xumo badan warbaahinta la wadaagtay waxaana ugu wacan Irrfan hooyadiis inuu afka ku haayo ka hor inta uusan geeriyoonin in afar maalmood ka hor gobolka Rajashtan ku geeriyootay sidoo kalena uu awoodi waayay duugteeda inuu ka qayb qaato Hindiya oo bandow ku jirto awgeed wuxuu daawaday Video loo soo diray aaskii hooyadiis kadibna xanuun ayaa qabtay ilaa Alle uu ka oofsaday!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here