Caro ka dhalatay gabar 27 jir Hindi ah oo kufsi iyo dil la isugu daray xili dambiilayaasha falkaas ku kacay gacanta lagu haayo.

0
1157

Shacabweyne hindi ah una badan haween ayaa banaanbaxyo waaweyn ka dhigay maagalada Xeydar Abaad oo ku taalo koonfurta India kaib markii gabar magaaladaas kasoo jeedo la isugu daray kufsi iyo dil.

Gabadhaan oo 27 jir aheyd ayaa sida la sheegay waxaa ka halaabay mootadii ay wadatay waxaana u yimid 4 wiil oo isugu jiro darawalo iyo kuwa qashinka qaado waxayna gabadha isaga dhigeen kuwa caawinayo balse meel duur ah ayay la tageen halkaas oo ayna ugu geysteen kufsi wadareed kadibna gabadhii ay qudha ka jareen meydkeedana wey gubeen waxay kusoo tureen meel qashin qub ah.

Falkaan arxandarada ah ayaa wuxuu aad uga careysiiyay dadweyne farabadan kuwaasoo mudaharaadyo waaweyn ka dhigay gudaha India waxayna dalbanayaan in 4 wiil oo da’dood 20 jiro lagu sheegay in dil toogasho lagu xukumo.

Booliska magaaladaas ayaa dambiilayaasha haatan gacanta ku haayo ayagoona baaris kadib u gudbin doonaan maxkamada gobolka waxaana laga dharsugayaa xukunka ay maxkamada gaari doonto.

Arinta xusida mudan ayaa waxay tahay in wadanka India uu yahay wadanka ugu badan aduunka kaasoo uu kufsiga ka dhaco sida warbixin 2017dii lasoo saaray lagu sheegay sanadkaas kaliya waxaa India lagu kufsaday 33,658 gabdhood taasoo ka dhigan in wadankaasi maalinkasta celcelis ahaan 92 gabdhood lagu kufsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here