Casharka 1aad; isbar luuqada Turkiga macalin la’aan adigoo waliba gurigaaga iyo goobtaada shaqo joogo.

2
1539

Sidii aan idinka balanqaadnayba waxaan idiin bilaabi doonaa duruustii aad ku baran laheydeen luuqada Turkiga anagoo duruusta labo nooc idiin kaga dhigi doono mid aad toos erayada iyo qaabka hadalka ku baran doontaan iyo mid naxwaha ah kaasoo asna ku baran doontaan qaabka loogu dhawaaqo iyo qaabka jumlad loo dhiso.

Marka hore aan ku bilowno qaabka koowaad oo ah qaabka aad ku baraneyso macnaha erayada iyo jumladaha turkiga,

Waxaan soo qaadan doonaa erayada aasaaska u ah luuqada Turkida anagoona soomaaligooda idiin raacsiin doono.

Hadaba ka bogasho wacan;

-Merhaba = Marxaba, soo dhawow.

-Gunaydin  = Subax wanaagsan.

-Iyi Aksamlar = Galab wanaagsan.

-Iyi Geceler  = soo bari, hurdo wanaagsan, habeen wanaagsan.

-Nasilsin  = Sidee tahay.

-Iyiyim, Tesekkur Ederim  = waan fiicnahay, waad  mahadsantahay.

-Ya Sen  = adigana

-Hos Geldiniz  = Soo dhawow

-Cok Guzel bir gun  = waa maalin aad u wanaagsan.

-Iyi Gunler  = Maalin wanaagsan ayaan kuu rajeynaa.

-Hosca Kal  = bye, macsalaama.

-Gorusuruz  = waa inoo kulanti dame.

-Yarin Gorusuruz  = waa inoo bari.

-Affedersiniz  = Cafwan (Markii qof is kama’ iwm isugu dhacdaan).

-Yardimci Olabilir miyim?  = Maxaan kaa caawiyaa?

Ogoow dhawaaqa erayada mararka qaar qaabka ay u qoranyihiin ma ahee qaab kale ayaa loogu dhawaaqaa waana arimaha aan kaga hadli doono qaabka labaad ee naxwaha luuqada iyo qaabka loogu dhawaaqaba taasoo kaa caawin doonto inaad si fudud u akhriso luuqada turkida uguna dhawaaqdid.

la soco casharka 2aad.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here