Inaba caadi ma ahan goos gooska 1-aad ee laga soo bandhigay xalqada 35-aad ee taxanaha Hercai waa goos goos waali ah wax badana aan ku aragnay inkastoo waqti ahaan uu yaryahay hadana goos goos labaad ayaa jiri doono misane la sugaayo khamiista. Hadaba dhacdooyinka xiisaha leh ee goos gooskan hoos kaga bogo:

Waxuu ka bilaawana goos gooska Caziiza oo qasriga ka guureyso balse Miiran kuleh,”ma dheera maalinka aad ii imaan doonto misane idhihi doonto ayeeyo waan khaldamay ee iga raali noqo waliba reer Aslanbey hortooda ayaad igu raali galin doontaa maamulka qoyskana faraha ayaad iiga qaadi doontaa.”

Caziiza ayaa Miiran sidaa kuleh xili uu isaga dhahay kabax qasriga waxayna leedahay inaad khalad gashay waad ka qoomameyn doontaa kadib Caziiza alaabteeda ayee ka aruursane qasriga weyna ka baxe balse Miiran ayaa ugu jawaabayo,”wixii aad sameysay aawged xaq uma lihid inaad qasrigan sii joogto waa inaad deg deg ku baxdaa.”

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Reyyan oo Miiran la joogta misane kuleh,”kawaran Miiran hadii Caziiza talaabo halis ah ay qaado maadama qasriga aad ka saartay.”

Miiran ayaa Reyyan ugu jawaabayo,” waxba ma sameeyn karto anaga ahaan iyo reer Sodolugu ahaanba sababto ah waxay ogtahay in aan hada kadib ku kalsoonen wax walbe sameyso iyo aargoosigedana inaan rumeysneen ayee ogtahay talaabo aargoosi ah ma qaadi doonto.”

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Miiran oo Caziiza xafiiskeda ugu imaanayo isagoo u hanjabaayo waxuuna dhahaa,”Caziiza Aslanbey ha isku dayin mardambe inaad sidaas sameyso hadii aad Reyyan isku taabato….”

Kadib Caziiza ayaa hadalka ka dafeyso waxayna dhahee,”oo hadaan taabto Reyyan maxaad sameyn kartaa” Miiran oo careysan misane idnahah gaduudinaayo ayaa Caziiza ku dhahaayo,”haddii aad Reyyan isku taabato waad arki doontaa waxa aan kugu sameeyn doono waan kuu digay Reyyan ka leexo.”

Waa markii ugu horeysay taariikhda Miiran u hanjabo ayeeydiis Caziiza inaba caadi ma ahan taxanaha meeshii ugu xiisaha badnaa ayuu marayaa Caziiza waxay aragtay Miiran cusub mana ujeedo Miiran kii hadalkeeda horey ka yeelaayey heer waxuu gaaray uu qasriga ka saaro una hanjabo.

Caziiza maxay fali doontaa sido kale maxay karabtaa Reyyan ma weerar ayee ku qaaday dhamaan arimahan xalqada 35-aad ayaan ku ogaan doonnaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here