Waxaa lasoo bandhigay goos gooska 1aad ee xalqada 31aad taxanaha Hercai hadaba halkaan hoose kaga bogo dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa.

-Goos gooska ayaa ka bilaabanaayo Reyyan oo leh “Wax walba haatan wey isku soo dhamaadeen caziizooy, hada kadibna been kasta oo aad sheegto waxba ma tari doonto mana suurto gali doonto in qalbiga Miran madoobeyso”.

-Kadib waxaa ku xigo Miran oo warqadii Hazar uu kasoo qaaday u dhiibaayo ayaydiis Caziiza wuxuuna ku dhahaa: “Akhri warqadaan kadibna xaqiiqda rasmiga ee jirta ii sheeg”

-Kadibna markii ay Caziizo aragto warqadii Dilshaah ay u qortay Hazar iyo in sirteedii la ogaaday naxdin ayay la dhaceysaa.

-Waxaa xiga Caziiza oo la kulmeyso Xaniifa kadibna bahal dharbaaxo ah indhaha ku kala jiideyso ayadoo kuleh waad i khiyaantay waxaan dhan adigaa ka dambeeyo”.

-Waxaa xiga Xaniifa oo xili dambe guriga reer Sadogulu dhuumaaleysi ku galeyso ayaa waxaa arkeyso Reyyan waxayna ku dhahew xagee saacaan ka timid??

-Waxaa ku xiga Suldana oo Miran iyo Caziiza ku dhaheysi warqadaan waa xaqiiq waayo markii ay Dilshaah qoreysay meesha ayaan joogay waana ogaa.

-Kadibna waxaa xiga Hazar oo soo galaayo qasriga reer Aslan Bey kadibna dhahaayo “Aargoosigii Caziiza Aslan Bey wuu soo dhamaaday khalaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here