Waxaa xalay lasoo bandhigay goos gooska xiisaha leh ee xalqada 38-aad taxanaha Hercai waana goos goos inaba aam caadi ahen oo dhacdooyin horleh aan ku aragnay misane kugu xiiso galinaayo daawashada xalqadan.

Hadaba goos gooska ayaa ka bilaawanaayo xili subax ah Miiran iyo Reyyan oo hurdo kasoo kaceen waxuuna Miiran kudhahaa Reyyan,”subaxan cadceed cusub oo qurux badan ayaa dhalatay waana kugu faana inaad xaaskeyga tahay.”

Kadib waxuu lagu tusaa Miiran iyo Reyyan oo isagoo raacayaan misane u imaanayaan Caziiza Aslanbey markaa Miran ayaa ayeeydiis kudhihi doono,”ayeeyo Reyyan waxay iweydiisay inaan aargoosiga halkaas ku joojiyo.”

Caziiza ayaa Miiran ugu jawaabeyso,”waxaad xaaskaada Reyyan ugu jawaabga aargoosiga waxuu joogsana markee hooyadey iyo aabahey qabriga kasoo baxaan misane dib usoo noolaadan inta kahoreyso ma joojinaayo kudheh ileen dilka hooyada iyo aabaha la dilay miyaa si fudud ku ilaaweysaa.”

Miiran oo careysan misane Caziiza eegaya ayaa dhahaayo,”sidaas ma ahan aniga ayaa go’aan ku gaaray inaan gabi ahaanba joojiyo aargosigan waxaana halkaan u imid inaan arinkaas kuu sheego maanta kadib wax aargoosi ah majiro ayeeyo sidaas ogow” Caziiza ayaa carooneysa marka Miiran ka noqdo aargoosigii waxayna dhahee,”Miiranow waxaan sameeyn doono indhahaada ku arag hader”sidaas ayee dhahee ayadoo kaligeed isla hadleyso misane biskoolad soo qaadatay.

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Caziiza oo qasriga reer Shadalogu imaatay dhamaan reer Shadalogu na ay hub ku hayaan ama biskoolado ayaa la isku wada hayaa ciidanka labada dhinac waxaana goobta imaanayaan Miiran iyo Reyyan kadibna Miiran ayaa hubkiisa asna lasoo baxaayo asigoo qeylinaayo oo Ayeeyo ku haayo.

Caziiza dhexda ayee kujirtaa oo ay taagantahay reer Shadalogu na wey ku hareereysan yihiin hub ayeena kuwada hayaan kulogood Caziiza Miiran arinkaas wuu ka caroona hubkiisa ayuuna lasoo baxaa asigoo iskudayaayo inuu difaaco Caziiza balse Caziiza ayaa dhaheyso dhamaantiin qofna yuusan hubkiisa hoos udhigin kadibna Miiran ayadoo la hadleyso ayee dhahee xitaa adiga sababto ah adiga waxaad kamid tahay Reer Shadalogu.”

Kadib Miiran oo indhihiisa ilmo kasoo burqaneyso ayaa lagu tusaa ama ooynaayo dhamaad goos gooska halkaas ayuu ku dhamaana waxaana muuqata in Miiran loo sheegay inuu asal ahaan kasoo jeefo reer Shadalogu hadii aan wax la bedelin dhamaanteen xalqada 38-aad waxaan ku ogaan doonnaa Miiran oo runta ogaanayo iyo inuu kasoo jeedo reer Shadalogu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here