Caziiza oo guuldaradii ugu weyneyd dhabarka loo saariyay Miran oo arkay dhagarta ayaydiis iyo dhacdooyinka xalqadii 18aad taxanaha Hercai xili lagu tilmaamay xalqadii ugu fiicneyd.

0
14648

Waxaa habeen hore lasii daayay dhacdooyinka xalqada 18aad taxanaha Hercai kaasoo maraayay meel xiiso leh waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee xalqada.

-Zahra waa xaamilo uur leh waxayna arinka ku noqonee layaab ayadoona ka cabsaneyso in la dhaho Haandaan ayay ka msaeyrtay.

-Zahra fagta hore uma sheegeyso Hazar iney uur leedahay balse gadaal dambey ayay kaga sheegeysaa aad ayuuna ugu farxaa.

-Nasuh ayaa dharbaaxadii ugu xooganeyd la dhici doono Aziza kadib markuu dib uga soo ceshto dhamaan hantidiisa ay horay ugala wareegtay.

-Hantida uu soo ceshtay Nasuh waxaa qeyb ka ah qasrigooda iyagoona bilaabayo iney dib ugu laabtaan.

-Aziza wey jah wareeree iyadoona is weydiineyso cida ku garab siisay Rer Sadoglu iney hantidooda dib usoo ceshtaan.

-Nasuh sidoo kale wuxuu ogaanaa in Aziza ay horay shaqaalo ugu ahaan jirtay Rer Aslan bey kadibna wiilkooda uu guursaday sidaasna ay ugaasad ku noqotay.

-Nasuh ayaa Aziza ku balaminaayo qasrigiisii hore ayadoo khabaar moog ah wuxuuna ugu faanaa inuu hantidiisii iyo qasrigiisaba soo ceshtay asigoona si fool xun qasriga uga soo burin doono.

-Miran ayay u badantahay inuu yahay qofka caawiyay rer Sadoglu balse xalqada dambey ayaa lagu ogaan doonaa.

-Aziza markii ay jaho kasta ka wareerto Reyyan ay ku guuleysatay kalsoonida Miran Hazar uu saaxiib la noqday mar kale sidoo kalana Nasuh hantidiisa soo ceshtay ayaa Azad iyo Reyyan shirqool u dhigee si ay Reyyan iyo Miran u kala geyso balse layaabka wuxuu yahay in Yaariin arinkaas ku garab siin doont.

-Shirqoolkaas oo la is dhahay waa bas markii Reyyan iyo Miran kala tagi lahaayeen waaye ayaa waxaa buufin camal u bajinaayo Miran isla markaasna Caziiza ceebteeda dhan banaanka soo dhigaayo.

-Xaqiiqdii inaba caadi ma aheyn xalqada 18aad waana xalqadii ugu fiicneyd tan iyo markii taxanahaan lasii daanayay.

-Xalqada qofka dhinac kasta ka guul dareystay waa Cazia balse su’aasha maanka ka guuxeyso waxay tahay Caziiza maxay fali doontaa?

Waa duq habaaranoo meesha ay kaa qaniineyso lama fahmi karo kaarto nuucee ayay lasoo bixi doontaa?

Toogtaan waxaad moodaa in dadka dhan isku soo baheysteen Aziiza waayo shakhsi kasta iyada ayuu mucaarad ku yahay xitaa Asmaa oo gacan yaraheeda aheyd, Miran oo ay soo korisay, Suldan sidoo kale Jonul iyo cadowgeeda weynaa dhamaan reer Sadoglu.

Caziiza jawaabta ay bixin doonto aan ka warsugno xalqada 19aad iyo hadii guuldarada kusii socon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here