Caziiza oo Hazar dishay Nasuh na usheegtay inee Caaisha tahay iyo goos gooska holaca xalqada 49aad taxanaha Hercai!!

1
4114

Waxaa xalay lasoo bandhigay goos gooska xalqada 49aad ee la daawan doono jimcaha soo socdo inaba caadi ma ahan dhacdooyinka lagu arkay waa kuwa cajiib ah hadaba iyagoo qoraal ah hoos kaga bogo:

1-Aslan inuu dhintay ayaa la muujiyay maadama isbitaalka la keenay isago meed ah Suldana iyadana wey barooratay hadaba Aslan taxanaha sidaas ayuu kaga baxayaa waxaana xalqadii hore xabad ku dhuftay Mahfuz oo ah Reyan aabahed runta.

2-Caziiza ayaa amar ku bixineyso in Hazar Shadalogu la dilo.

3- Hazar ayaa markale isku dayaayo inuu Miran runta ka dhaadhiciyo iyo inuu isaga aabihiis yahay balse Miran wali ma aqbalin xaqiiqada hortaalo wuuna diiday isagoo jawaab oga dhigay “dhibka aan soo maray aawgii runta i hortaalo ma aqbali karo.”

4-Caziiza ayaa la kulmeyso Nasuh waxayna usheege ine tahay Caaishadii Nasuh jeclaa waxay kaloo usheege inee dishay Hazar oo waxay dhahee aniga Caaisha ayaan ahay oo cunuga kuudhashay waxaadma ogaataa inaan Hazar dilay.

Halkaas ayuu kudhamaana goos gooska dhacdooyinka oo dhameestirana xalqada jimcaha ayaa lagu ogaan doonaa cida dhimaneyso iyo cida kale.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here