-Xalqada ayaa ka bilaananeyso meeshii ay xalqadii hore ku dhamaatay markii Azaad iyo iiliif oo gacanta is heystaan ay qasriga reer Sadoglu soo galaan.

-Caziiza waxay arintaas ka qaadi doontaa shook markii ay ogaato guurka Azad iyo Iiliif xili Miran qudhiisa caadifad qaadeyso.

-sida caadada ahba Miran arinkaas aad ayuu uga caroonaa halka Reyyan ay isku dayayso iney dajiso.

-Azaad kahor inta uusan guursan Iiliif wuxuu ku xujeeyay inuusan marnaba jeclaan doonin maadaama qalbigiisa Reyyan dagantahay sidoo kalana uusan nin u noqon doonin (yacni guur afka baarkiisa ah taabasho maya).

-Iiliif waxay wajahee ayaydeed Caziiza waxayna u sheegee ineysan marnaba gabar u noqon doonin hadii aysan aargoosigeeda ka tanaasulin.

-Nasuh oo aad u faraxsan ayaa Azaad ugu hambalyeynaayo guurkiisa Iiliif iyo inuu Caziiza uga aaray balse Azaad ayaa ugu jawaabi doono in Iiliif aysan aheyn aalad lagu aarguto.

-Nasuh wuxuu diidaa in Iiliif uu gabar ahaan u aqbalo misna Azaad xaaskiisa ahaato xili Iiliif ay arintaas siweyn uga niyad jabeyso balse Hazar ayaa dajinaayo misna niyada u dhisaayo.

-Suldana waxay ku tuhmee Reyyan in iyada ka dambeysay misna isku qalqaalisay Azad iyo Iiliif.

-Waxaa cadaatay in Caziiza ay tahay Caa’ishadii uu Nasuh jeclaa waxaana muuqaal Flash back lagugu tusaa in Caa’isha ahaan jirtay gacalisadii Nasuh haatana Caziiza tahay.

-Hazar wuxuu markale isku dayaa in Miran ka dhaadhiciyo inuusan asiga waalidkiisa dilin balse Miran ma aaminaayo sida caadada u ah.

-Sababta ay Caziiza u nacday Nasuh cadowna ugu noqotay ayaa la ogaaday waxayna tahay jaceylkeedii hore dartiis oo jaceyl weyn ayay Nasuh u qabtay balse Nasuh ayaa sabab u noqday in dab uu asiga shiday ku baaba’aan qoyska Caziiza oo iyada xitaa siweyn u gubatay sidaan horay soo aragnayba.

-Dhamaadka xalqada Caziiza si ay u aarsato gurigii beerta ee reer Sadoglu ayay dab ka shidee xili lagu waday in arooska Iiliif iyo Azaad meesha ka dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here