Shan bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii xafiiska dhexe ee dambi baarista (CBI) uu la wareegay kiiska Sushant Singh Rajput. Kumanaan ka mid ah taageerayaasha jilaaga geeriyooday ayaa ka dalbanayay CBI inay soo bandhigaan natiijooyinkooda.

Hadda, CBI waxay sheegtay inay fiirineyso dhinac walba oo aysan meesha ka saareynin waxii cadeyn ahaa

Xildhibaanka BJP Subramanian Swamy ayaa warqad u qoray xafiiska Raiisel Wasaaraha (Pre-MODY) taasoo uu ku weydiinayo xaalada baaritaanka. Waraaqda waxaa loo gudbiyay CBI oo jawaabahooda ku yiri,

“CBI waxay baaritaan ku sameyneysaa si hufan oo xirfad leh iyadoo la adeegsanayo farsamooyinkii ugu dambeeyay ee sayniska. Inta lagu guda jiro baaritaanka, dhammaan dhinacyada waa la fiirinayaa mana jirto dhinac laga reebay taariikhda. .

Sushant Singh Rajput waxaa laga helay isaga oo kalaad laada gurigiisa oo ku yaal Mumbai June 14. Bishii Oktoobar, koox dhakhaatiir ah oo ka tirsan AIIMS ayaa u sheegay CBI in aan la dilin jilaaga iyo in cadeymaha caafimaad ee la helay ay muujinayaan in ay ahayd kiis isdaldalitaan ah uuyahay.

Waxay meesha ka saareen dhamaan aragtiyadii ceejinta iyo sumaynta ee uqaateen jilaaga geeriyooday qoyskiisa iyo taageerayaashiisa. Wali kiiska macadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here