Sidaan wada ognahay kiiska Sushant Singh Rajput waxaa xili hore la wareegen waaxda dambi baarista ugu weyn dalka hindiya ee CBI kadib markii dad badan sidaas codsadeen oo ay isugu jireen qoyskiisa iyo taageerayaashiisa.

Hadaba CBI markee amba qaadeen kiiskan kadib 5-qodob ayaa soo baxday oo kiiska horey usii dhaqaajin karaan hoos kaga bogo shanta qodob kadibna waxaan isla ogaan doonaa dib dambe hadii cadeyn cad noqon karaan iyo hadii kale:

1-Kiiska ayaa lagu soo daray daroogo iyo maandooriye waxaana lagu eedeeyay atiriishada Rhea Chakraborty ee saaxiibka la aheed Sushant waxaa la sheegay inee drugs isticmaali jirtay Sido kalena Sushant siin jirtay hader waxaa la qorsheynaya in dhiigeeda la baaro.

2-Baaritaanka meedka Sushant jawaabihii kasoo baxeen oo khalad noqdeen gaar ahaana waxaa la heestaa dhaqaatiirtii baartay iyo jawaabaha sheybaarka oo shaki la geliyay kadib markee CBI ogaadeen in meeshaas wax ka qasan yihiin sifiicana in loo hubiyo ubaahan.

3-Sushant saaxiibkiis ayaa qirtay in Rhea bur buriya 8-cajaladood Hard disk Drive kahor inta aysan kasoo guurin guriga Sushant 8-june dabcan cajaladaas wax unbaa kujireen sida waraaqooyin ama cod amaba muuqaal waana sababtay ay u bur buriysay gadaal dambe ayaase laga ogaan doonaa waxay ahaayen.

4-Wada sheekeysiga Mahesh Bhatt iyo Rhea Chakraborty ee WhatsApp-ka ayaa noqday qodob xasaasi ah maadama Rhea ogeysiisay Filimsameyahan inee kasoo tagtay guriga Sushant waxayna ahed 8-june waxay kalo sheegtay in aabahed kasoo horjeeday xiriirka iyada iyo Sushant xili qoraalkeeda lagu dhex arkaayey ereyo jaceyl dhanka Mahesh ah muujinayeen.

5-Booliska Mumbai oo musuq maasuqeen kiiska Sushant maadama iyaga markii hore fureen hadaba CBI waxay wareesatay labo sargaal ciidanka Mumbai ah waxayna CBI ogaadeen in kiiskan la afgamiyay bilawgiisa ayna ka jiifteen booliska Mumbai walina baaritaan kiisa wuu socdaa qodobkaan iyo dhamaan 5-qodob ee maqaalkeena aan kuxusnay.

1 COMMENT

  1. Zakaria Abdi Rhea Chakraborty waraysigi ay doraad bixisey maad noo soo gudbisid mida kale gabadhan iyo qolada CBI wali may kulmin maanta laga yabaa iney kulmaan taageerto yaal badan ayey heshay waraysigi doraad wixii ka danbeeyey barta Twitter ka waxaa ka bilowday #justiceforrhea aad baa loo taageeray xitaa waxay video ka duubtay qolada warbaahinta oo gurigeeda hor dhooban oo aabehed waraysi ku weerareen Instagram keeda iyo Twitter keedaba way soo dhigtay iyadoo dacwad ka gudbisey qolada saxaafada islamarkiiba Police kii baa caawiyey oo ugurmaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here