Ceeb iyo fadeexo; Kim Kardashian oo lagu sawiray iyadoo wadato faraanti ay horay u sheegtay in Paris looga xaday qiimihiisana yahay 4 Million dolar. Sawiro.

0
1432

Gabadha Modelka sidoo kalana barnaamijyada TVyada ku caan baxday ee Kim Kardashian ayaa sawiro Model ah soo dhigtay barteeda Insitagramka waxaana dhacday in lagu arkay iney ku labisantahay faraanti ay sadax sano kahor sheegtay in Paris looga xaday.

Kim Kardashian ayaa sanadkii 2016dii iyadoo magaalada Paris u joogto bandhig Fashion ah waxaa dhac hub loo adeegsaday u geystay koox tuugo ah kuwaasoo la sheegay in atariishadaan ka furteen waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan kuwaasoo ay ku labsineyd misna ka koobnaa faraantigeeda katiinad iyo waxyaabo kale misna ka sameynaa dhagaxmaanta qaaliga kuwaasoo qiimahooda lagu sheegay 10 Million oo dolar.

Balse 3 sano kadib ayaa la arkay Kim oo isla faraantigii ay sheegtay in Paris looga xaday iyadoo xiran waxayna sawirkaas soo dhigtay barteeda Instagramka arintaasoo hadalheyn xoogan iyo shux shux badan dhalisay ilaa heer gabadhaan lagu tuhmi=o iney ka been sheegtay agabkii laga dhacay.

Hase yeeshee Kim Kardashian ayaa arinkaan kasoo hadashay isla markaasna ka jawaabtay arinta muranka dhalisay ee faraantiga la xiriirto waxayna sheegtay in faraantiga ay xirantahay misna sawirka ku gashay uu yahay faraanti Copy ah misna uusan aheyn midkii Orginalka ayadoona sheegtay in loo sameeyay siduu faraantigii hore ee laga xaday u sameysnaa oo kale waxayna intaas ku dartay in bandhiga Fashionka dartiis loogu sameeyay

كيم كاردشيان
كيم كاردشيان
كيم كاردشيان
كيم كاردشيان
كيم كاردشيان

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here