Kangana Ranaut oo ah shaqsi fursad-gaad ah ayaa karbaashkeeda la dhacday Deepika Padukone oo dhowaan lagu eedeyay kiis daroogo ah balse arinka Deepika dal iyo dibad waa la hadal hayaa 24-saac udambeysay siweyn waliba.

Kangana oo ka faaideysaneyso arinkaan misane waligeed necbaneed Deepika ayaa qoraal karbaash ka kulul baraha bulshada soodhigtay misane ku weerareyso Deepika waxayna tiri iyadoo hadleysa.

“sifiican iidhageysta, caruurta ay dhaleen shaqsiyaadka bulshada dhexdeeda caanka iyo hodanka ka ah mid kamid ah (caruurtaas) oo iyadu iska dhigta mid balaayo ah oo magac iyo maamuusbaan shaqeystay leh ayaa arkeysa iyadoo gacanyaraheeda weydiineyso oo leh daroogo ma heysaa (Deepika).”

“Ceeb ha u sugnaato kuwaas daroogada isticmaalaan Deepika qoraalkan ha akhriso (iyadaa loogu talo galay ileene).”

Sanadkii 2017 qoraal ay Deepika kula hadashay maamulaheeda ama gacanyaraheeda Karishma Prakash ayaa siweyn baraha bulshada loogu faafiyay qoraalkana waxuu ahaa sidatan

D oo ah Deepika inkastoo aan si rasmi ah loo hubin iyo K oo ah Karishma Prakash taaso hader suaalao daroogada la xariiran al weydiinaayo sheekadan ayaa dhexmartay 2017.

D: maheysaa Maal (Daroogo)?

K: haa waan hayaa balse gurigee taala ana xaafada Bandra ayaan joogaa.

K: laakiin hadii aad rabtid Amit ayaan kuu weydiin karaa.?

D: haa ii weydii fadlan.

K: waan weydiiyay Amit wey heysaa weyna soo qaadee inyar sug.

D: Adke miyaa mise waa dareere? (maandooriyaha noocna waa adke noocna waa dareere)

K: maya waa dareere ee goormee imaaneysa Koko (Muqaayad kutaalo Mumbai)

D: goordhow waan so socdaa.

Hadaba Deepika ayaa dhiiqadan dhexda kaga jirto aan aragno meesha uu gaaro kiiskani iyo hadii Deepika beri ka noqon doonto Kangana iyadana seefteeda wey wadataa war walba oo kasoo baxa sheekadan wey sugeysaa si ay u weerarto markale Deepika.

4 COMMENTS

  1. Wax fiican maysan dhicin beryahan Bollywoodka waxa hareeyay fadeexado iyo mishaakil aan dhamad lahayn horaa loo yiri falaartii xirka loo tuuraa qof walbo fillo

  2. Gabadhan cid walba way fadeexadaysay balse kuma arag iyadoo ninka srk la dhaho wax ka sheegasa xitaa ma arag ninkaas oo cidi wax ka sheegasa haybada waa loo dhashaa xitaa aflaamta ka khasaara lama Sii daba gal galo waa la qariyaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here