Barış Arduç waa mid kamid ah jilayaasha loogu jecelyahay gudaha Turkey iyo daafaha caalamka wuxuuna siweyn ugu caan baxay doorkiisa Omar ee taxanaha Kiralik Ask (Jaceylkii kirada).

Hadaba jilaagaan ayaa markuu dhamaaday taxanaha Kiralik Ask lala wadaagay loona soo bandhigay sheekada taxanaha guusha taariikhiga gaaray ee Cukur balse nasiib xumo jilaagaan wuu iska diiday.

Doorka uu diiday ee ah hogaaminta taxanaha Cukur waxaa qaatay misna aqbalay jilaaga Aras Bulut İynemli misna siweyn u jilay abaal marino badana ku qaatay waliba taxanahaan inta Season 1 guul weyn gaaray ayaa laga sameeyay Season 2 iyo Season 3 walina wuxuu kaalmaha koowaad kaga jiraa taxanayaasha loogu daawasho badanyahay TVyada iyo Youtubekaba.

Hadaba Baris Arduç oo kadib markuu diiday Cukur aqbalay jilista taxanaha Kuzgun ayaa waxaa taxanahaas sheekadiisa iska diideen daawadayaasha gabi ahaantiisaba waa la iska joojiyay maadaama daawadayaal ku filan uusan helin.

Haatan Baris Arduç waxaa loosoo bandhigay door muhiim ah oo taxanaha Cukur Season 3 lagu soo kordhiyay kaasoo wali uu hogaamiye ka yahay Aras Bulut İynemli wuuna aqbalay jilista doorkaas asigoona xalqadii ugu horeeyay xalay kasoo muuqday.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa in camuush iska diido taxanahaan hogaamintiisa 3 sano kadibna aqbalo inuu door caawiye ku yeesho?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here