Bilawgii December 2019 gobolada India badankooda waxaa ka bilawday qas iyo qalaalaso kadib markii xisbiga talada dalka India hayo ay keenen sharciyo lagu faquuqayo muslimiinta hinduga ah taaso kaliftay muslimiinta halkaa kunool isla kacaan waxaana sharcigan dajiyay Raiisul Wasaaraha dalkaas Narendra Modi sida la sheegay kaaso cunsuri weyn lagu tilmaamay.

Hadaba jaamacad kutaalo Delhi ayaa waxaa ka dhacday in ardaydii dhiganeysay la budeeyo oo jirdil loo geysto waxaana u geysteen Police-ka Delhi xili ay iyaga mudaaharaadyo ay sameynayeen kagana soo horjeedeen shuruucda cusub wararkana waxay sheegen in Modi uu ka dambeyay garaacista ardaydaas.

Hadaba falkaas foosha xun ee ciidanka dowlada ku kaceen waxaa ka hor imaadeen xidigo badan misane si kulul oga hadleen waxaana kamid ah xidigahaas Taapsee Pannu, Alia Bhatt, Anurag Kashyap, Vikrant Maseey, Richa Chaddha, Mahesh Bhatt, Soni Razdan, Swara Bhasker, Saqib Saleem iyo xidigo kale oo caan ah.

Bollywood actress Deepika Padukone visits students protesting at Jawaharlal Nehru University against a recent attack. AFP

Balse xidigo xiligaas si weyn loo dhaliilay misane Twitter-ka lagu kacay ayaa jiraan kuwaaso aan xitaa ka hadlin dhibka dhacay waxuuna ahaa markiu xidigahan lagu kacag bishii December qeybaheeda hore xidigahaas waxaa kamid ah Amitabh Bachchan, Shah Rukh Khan, Salman Khan, Deepika Padukone, Ranbir Kapoor, Aamir Khan, Varun Dhawan, Priyanka Chopra iyo kuwa kale oo badan waana bilawgii December xiliga la magcaabay xidigahan.

Maxaa kalifay Deepika kaliya in lagu kaco hadii ay xidigahaas aan soo tirinay kaga horeyeen taageerida ardaydii jaamacada?

Marka kowaad Deepika delhi waxay u aaday si ay xayeysiin ugu sameyso Filimkeeda Chhapaak 6 ilaa 7 Janaayo Delhi ayeena joogtay kadib waxay booqatay jaamacadaas markaas ayeena kamid noqotay liiska xidigaha Bollywoodka ee taageersan ardaydaas ileen markii hore waxaa lagu heystay inee ka aamusned balse Deepika booqashadeeda ayaa dhalisay in lagu kaco sababtana waxay tahay xidigaha taageereen Ardayda kaliya wey ka hadleen oo afka ayee ka taageereen ayagoo mid walba meeshiisa jooga balse Deepika meesha ayee kasoo dhex muuqatay.

Deepika Padukone stands in solidarity with protesting students.

Waxayna sababtay in Deepika la dhaho India maba tihid oo kooxda mucaaradka ayaad kasoo dhex muuqatay misane la safatay ileen fikirkaada oo aad ka hadasho iyo in aad meel kasoo muuqato labo ayee kala tahay wax walbo waxaa qasay kasoo muuqashadii Deepika halkaas kasoo muuqatay ayado noqotay xidigta kaliya ee sidaa sameysa.

Ujeedkii ugu weynaa ee Deepika u booqatay jaamacada:

Deepika filimkeeda Padmaavat muran xoogan ayuu dhexda ka galay hadal heyntiisana India oodhan ayuu ku faafay taaso kaliftay inee dad badan oo daawado mashruuceda ay ku heshay maadama xayeysiintiisa balaaratay oo India oodhan gaartay marka Deepika waxay is laheed ka faaideyso qaska taagan oo meesha hadaa booqato filimkaada hadal heyn ayuu dhalina Hindiya oodhana wuu gaara sidaasna xayeysiin balaaran ayaa ugu sameysatay mashruucaada dad badana waa helee sidii Padmaavat.

#ShameOnBollywood trends on Twitter over Shah Rukh Khan, Salman Khan, Amitabh Bachchan and other B-town celebs' silence on #JamiaProtests

Balse dhiiqo ayee ku sibxatay xidigtaan maadama lagu kacay wixii ka raacayna waan wada ognahay marka ujeedkii ugu weynaa ee Deepuu booqashadeeda sidaas ayuu ahaa halka ujeedka labaadna uu ahaa inee ka xumaatay ardayda jirdilka loo geystay.

Ilaa maanta xidigaha waaweyn kama aysan hadlin dhacdadan oo mid walba aamusnaanta ayuu ku dadaalay aan aragno Deepika sida loogu kacsanyahay halka ay gaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here