Challenging Star Darshan wuxuu todobaadkan u dabaal dagay sanad guuradiisa 43-aad kadibna waxaa lasoo bandhigay goos goos cajiib badan oo u qaas ah filimkiisa la wada sugaayo Roberrt waana filim Kannada ama Sandalwood ah shirkada xarunteeda Banglore tahay ee gobolka Karnataka ka jirto.

Filimka Robbert wuxuu Dharshan ku matalaa wajiyo kala duwan wuxuuna leeyahay awood aan caadi ahayn sidoo kalena taageerayaashiisa siweyn ayay kaga heleen goos gooska Action-ka iyo xarakada u badan ee laga soo bandhigay.

Filimka Roberrt waxaa Director ka ah Tharun Sudhir waxaana Darshan filimkan ku wehliyaan Asha Bhat, Vinnod Prabhakar, Jagapathi Babu, Ravi Kishan iyo kuwo kale.

Waxaa la sheegay in filimka Roberrt la daawan doono todobaadka ugu horeeyo bisha April waxaana lagu daawan doonaa ku dhawaad 5-luqadood sidoo kalena in ka badan 4,000 oo tiyaatar ayaa laga daawan doonaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Roberrt adigaaba la cajabi doontid bandhiga heerka sare ee Challenging Star Darshan shaashada ka sameenayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here