Charlie Chapline mise Adolph Hitler maxay ka sinaayeen maxayna ku kala duwanaayeen?

0
600

Charlie Chaplin Wuxuu ahaa hal-abuur, madadaaliye, jilaa ah, oo samayn jiray riwaayadaha iyo Aflaamta Oo u dhashay carriga Igiriiska.

Adolph Hitler Oo Ahaa Ninkii Ugu Caansanaa Qarnigii 20aad Dunida iyo Chaplin ayaa usbuuc isku mid ah wada dhashay, oo weliba muuq ahaan Isku ekaa.
Silic, saxariir, iyo dhibaato bdn bay yaraantodii ku soo wada koreen. Waxayse ku kala duwanaayeen jinsiyaddooda, dilka iyo daalinimada oo dhinac Hitler Ah . Iyo dadnimadiyo dabacsanaanta oo xagga Chaplin ah.

Chaplin aabihii Charlie Waxa Uu Ahaa khamriyo-cab googa’ay, oo ugu dambayntiina beerka u dhintay.
Chaplin hooyadii oo ahayd gabadh uu dhalay kabo-tole, (Kaba Suubiye) ayaa iyana u dhimatay xanuunka xabadda (Syphilis), ka dib markuu xanuunkaasi ku keenay waali Maskaxda Ah, Chaplin oo aan gaadhin Weli 14 jir.

Charlie Wuxu Ahaa Nin Iskoris Ah dadaal badan, oo Weliba Aan Nasiib u yeelan garab qabasho iyo waxbarasho Aas Aasi Ah Midna haddana Wuxu mutaystay darajada Sayidka (Sir) ee ay Bixiso Boqortooyada Iingiriisku (Sir Chaplin)

Sir Chaplin Waxa Lagu Tilmaama Mid kamida dadka Fara Ku Tiriska Ah Ee ugu Akhlaaqda iyo Xikmada Fiicnaa Aadamaha Inta samaysa Aflaamta Waxa uu Hibo U Lahaa Inu Dadka Ka Qosliyo Oo Dareenkooda Badalo Isagoo Aaan Markaliya Afkiisa iyo Bushmihiisa Kala Furin Kaliya Dhaq dhaqaaqiisa Xarakaadkiisa Iyo Habka dabiiciga Ah Ee Alle u Abuuray Ayaa kaga Filnaa Inu Milyan Qof jawigooda badalo.

Sir chaplin Faraciisii Hada Waxa ugu caansan Gabadh Aktarad Ah Jinsi Ahaana Spanish ah Oo la dhaho Oona Chaplin.

W.D. Cabdishakuur Shakti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here