Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guuldaro lagu baday gurigeeda kadib markii 0-1 ugu awood sheegatay kooxda Valencia.
Gool uu dhaliyay Rodrigo daqiiqadii 74aad ayaa Valencia ugu filnaaday iney guul ka gaarto kooxda Chelsea oo ay marti ugu ahaayeen garoona Stamford Bridge.
Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda reer Germany ee BVB Dortmund xili Inter Milan caawo fiidkii barbaro iyadana lagu qabtay.
Halkaan hoose kaga bogo natiijooyinkii kulamadii caawo.
Inter Milan 1-1 Slavia Praga.
Dortmun 0-0 Barcelona
Napoli 2-0 Liverpool.
Salzburg 6-2 Geng.
Lyon 1-1 Zenit.
Benfica 1-2 Leipzig.
Ajax 3-0 Lille.
Chelsea 0-1 Valencia.