Chelsea oo xasuuq u geysatay kooxdii dadka lagu cabsiin jiray iyo United oo guul dirqi ah gaartay.

0
239

Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Wolves oo ay marti u ahaayeen iyagoona xasuuq geystay kadib markii ay 2-5 ku qaarijiyeen.

Chelsea oo kulanki ugu dambeeyay EPL barbaro 2-2 soo gashay ayaa kulankaan guul dooneysay waxayna maanka ku heysay in Wolves tahay koox si fiican u ciyaarto kulamada ay kooxaha waaweyn la ciyaaraan.

Fikiyo Tomori ayaa Chelsea goolasha u daahfuray daqiiqadii 31aad balse 2 daqiiqo kadib Tommy Abraham ayaa goolkii labaad Chelsea u dhaliyay.

Abraham oo kulankaan si layaqaano u ciyaaray misna sadaxleey goolal ka caawiyay kooxdiisa ayaa goolkii 3aad dhaliyay daqiiqadii 41aad waxaana natiijadaas 0-3 lagu kala maray qeybtii hore.

Markii la isku soo laabtay qeybtii dambey ayay Chelsea halkeedii kasii wadatay xasuuqii ay Wolves ku waday iyadoona daqiiqadii 55aad uu Abraham goolkii 4aad ee Chelsea iyo goolkiisii sadaxaad dhaliayay  kadib caawin uu ka helay sxbkiis Jorginho.

Intaas kadib kooxda Wolves ayaa hurdada ka kacday waxayna la timid 2 gool rajo u yeeshay iyagoona cayaarta ka dhigay 2-4 balse dhamaadkii ciyaarta waxaa quusiyay da’yarka kooxda Chelsea Mason Mount kadib markii uu cayaarta ka dhigay 2-5.

Ugu dambeyn natiijadaas ayay cayaarta kusoo dhamaatay.

Dhanka kale kooxda Manchester United ayaa 1-0 dirqi kaga badisay kooxda Leicester City oo Old Trafford marti ugu aheyd waxaana goolka oo rigoore ahaa u dhaliyay Marcos Rashford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here