Chennai Express waa mid kamid ah Blockbuster-dii Bollywoodka sameyeen 10 sano aan soo dhaafnay iyo mashruuc aad loo jeclaaday ilaa hadana oraahdiisa iyo heesihiisa dadka xiiseyaan waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone.

Director Rohit Shetty oo qeybtii hpre sameeyay ayaa raba in qeybta labaad ay hogaamiyaal ka noqdaan lamaanaha cusub ee Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan maadama hadal heynta xiriirkooda aad u sareyso inee Filim wada sameyaan daawadayaasha waa mid xiiso galineyso.

Mar uu ka qeyb galay barnaamijka Neha Dhupia dadka kuwareysato ee Tv-yada laga daawado ayuu arinkaan shaaciyay waxaana la weydiiyay hadii Chennai Express qeyb labaad uu ugu talo galay waxuuna yiri isagoo hadlaayo.

Rohit Shetty wants to cast Sara Ali Khan and Kartik Aaryan in Chennai Express 2 — read deets

“Hader qorshaha iiguma jiro inaan qeyb labaad ka sameeyo balse hadii ay dhacdo inaan sameeyo hogaamiyaashii hore kuma soo noqonayaan waxaana jeclaan lahaa inee hogaamiyaan Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan maadama lamaanayaasha ugu hadal heynta badan yihiin waqtigaan.”

Sara waxay kamid noqotay Rohit aririishooyinka uu xiiseyo horey waxay ula sameysay Simmba haderna Chennai Express 2 ayuu la rabaa xidigtaan sido kale waxay iyada iyo Kartik xayeysiin u sameynayaan mashruucooda xiga ee Love Aaj Kal kaaso la daawan doono 14 bishaan Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here