Deepika Padukone Filimke hogaamiyaha ka ahed Chhapaak ee looga hadlaayey gabadha wajiga aashitada looga shubay ayaa keenay todobaadkiisa labaad 5 Crore lacag ah waxuuna wadarta guud hader marayaa 30.75 Crore.

Mashruucan oo lagu qarash gareeyay in ka badan 80 Crore misane hader tiyaatarada kadagi rabo ayaa lagala kulmay qasaaro weyn waxuuna badiyay liiska Filimada qasaaraha ugu weyn lagala kulmay iyo Bollywoodka oo markale dhiiqo dhexda ka galeen.

Chhapaak jabka kudhacay waxaa usabab ah muranka uu dhexda ka galay iyo fariintiisa oo siwacan loo dhigin sido kale mashruucan xili xun ayaa masraxa la saaray sidaa aawgwd kooxda cajaladaha qeybiyaan ee xuquuqda Filimkaan iibsadeen jab xoogan ayaa kudhacay.

Sida guud Filimada tiyaatarada Flop ka noqdaan waxay ku badbaadi jireen oo ganacsi faaido leh ka sameeyn jireen Tv-yada sida dhowr jeer dhacday balse Chhapaak Tv-yada xitaa kuma badbaadi doono waa Filim gabi ahaanba dhan walba la iska diiday.

Hadii ganacsigiisa uu kudarsan lahaa ilaa 15 Crore markaa Below Average ayuu qarka usaarnaan lahaa inkastoo Below Average xitaa kadhigan tahay Filim guul dareestay sidaa aawged waxaan fileena Deepika inee la imaan doonto Filim ay ku hilmaamto taariikhda uu Chhapaak kuriday sababto ah iyada ayaa maalgalisay mashruucan waana marki ugu horeysay ay Filim maalgaliso jab xoogan ayaana kudhacay.

Hoos kaga bogo Chhapaak iyo labo todobaad ganacsigiisa gudaha India:

Todobaadka Kowaad: 25.61 Crore

Todobaadka Labaad: 5.10 Crore

Wadarta Guud: 30.71 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here