Sida ku cad tilmaamaha ‘Xayiraada Convid19’, dowladda ayaa ku dhawaaqday in laga qafiifiyo xayiraada qaar, halka ay xoogaa nasiino ah siisay dadka safarka ah iyo ganacsatada hoteelada,

hoolalka shineemooyinka ayaa sii xirnaan doona. In kasta oo duubista filimada ay dib u bilaabantay, tiyaatarada wee ka fog yihiin in loo furo dadweynaha. , Aktarka Chunkey Pandey ayaa sidoo kale sugaya inuu tiyaatarada kadaawado filamada. Filim cusub oo James Bond ah ayaa soo baxaya bisha Noofambar ee sannadka 2020 oo isagu u yahay taageere weyn James Bond,

Chunkey wuxuu yidhi, “Waxaa jira filimkan James Bond oo imanaya. Waxaan sugayaa inaan tago oo aan ka daawado filimka tiyaatarada, kaasoo lasii deyn doonaa Nofeembar 20keeda, waxaan filayaa, haddii tiyaatarada aysan furmin, waxaan ballansan doonaa tiyaatar gaar loo leeyahay oo aan kadaawan doono .

Dhanka kale, boorarka ‘No Time To Die’, oo ah qaybtii shan iyo labaatanaad ee taxanaha filimka James Bond ayaa la sii daayay goor dambe oo waxaa hubanti ah inee taageerayaasha aad usugayaan sii deynta tiyaatarada. Markii la weydiiyay sababta uu tallaabadaas oo kale u qaadayo, Chunkey wuxuu yiri, “Maka daawan doono filimka James Bond shaashad yar.”

Sidoo kale, goos gooska rasmiga ah ee filimka ayaa lagu wadaa inlasoo fasaxo 3da Sebtember 2020 oo baritoole kubeegan . Dhinaca shaqada, Pandey waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay ‘Saaho’, Housefull 4 ‘, iyo taxane web ah oo la sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here