CIID WANAAGAN – Akhristayaasha Shabakadda Meel Walba Oo Aad Dunida Dacaladeeda Ka Joogtaan.

Asalamu Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu: Dhammaan ummadaha Muslimiinta ah Ciid wanaagsan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo Ilaah uu ku maneystay heysashada Diinta Islaamka.

Bisha Ramadaan oo aheyd mid faa’ido gooni ah u leh qof waliba oo Muslim ah way dhamaatay, waxaan Ebbe weydiisaneynaa inuu naga aqbalo camalkii wanaagsanaa ee aan badankeen la nimid, dambi dhaaf akhiro iyo nabad adduun ayaan Khaaliqa ka rajeynaynaa.

Si wanaagsan u ciida, waxay diinteena na fareysaa inaan is-caawino oo aan ka warqabo dadka masaakiinta ah ee aan heysanin waxa ay qaarkeen heystaan gaar ahaan Agoonta iyo Naafada.

Waxaa uu Ilaah na farayaa inaan mar waliba xasuusano, si uu inoogu naxariisto, Ramadaanka soo socda Ilaah Nabad ha nagu gaarsiiyo.

CIID WANAAGSAN MEEL WALBA OO AAD JOOGTAAN.

5 Comments

Comments are closed.