Xeerkan gabbar reer Paris ah ayaa tijaabisay hada kahor wiil ayee u sheegtay in xafladeeda dhalasho tahay kuna ballamisay muqaayad caan ah.

Wiilkii farxad uma dhineen xili hore ayuuba goobta tagay isagoo Style-ka si wanaagsan usoo saxay maadama jaceyl weyn uu u qabay gabadha.

Gabadhii xaafadeeda ayee iska joogtay gabar saaxiibted ayaa kutiri,”sxbey maanta taariikhda dhalatay mabe ahe maxaa wiilka been ugu sheegtay” waxay ku jawaabtay,”waan ogahay, xaasidnimo igama ahan waxaan rabaa jaceylkiisa inaan tijaabiyo saaidna uu ii jeclaado.”

Wiilkii mudo 3 saacadood ayuu gabadhii sugaayey Mobile-ka gacantana wey ka qaban weyday, kadib yar sxbkiis oo meesha ay isku arkeen ayuu iska soo raacay isagoo aad u xanaaqsan.

Maalintii dambe isagoo la fadhiya meel dhalinta fariisato isla yarkii sxbkii ahaa ayee gabadhii meesha soo martay oo saaxiibaded lasocoto. Waxay isku dayday inee wiilka raali galiso maadama ay u goysay balse kahor inta aysan hadlin ayuu wiilki hadalkii qaatay misane yiri.

“Iga raali noqo, shalay waan kasoo gaari waayey xafladaada dhalasho barnaamij deg deg ah ayaa isoo guda galay dhowr jeer ayaa kusoo wacay waad iga qaban weyday si aan kuugu sheego cuddur daarkeyga.”

Gabadhii wajiga ayee bedeshay halmar ayee xanaaqday qorshehiidii oodhan waa ka halaaway, wiilkii oo kasii xanaajinaya gabadha waxuu yiri,”waxaan u maleynaa inaad iga carootay oo shalay cabaar isugtay.”

Gabadhii durba meesha ayee ka tagtay, yarkii sxbkii ahaa ayaa ku qabsaday oo ku yiri,”sxb maxaad beenta u sheegtay” waxuu ku jawaabay”waxay iskudayday inee Chapter-ka kowaad ee Cilmi-nafsiga igula dhaqanto ana Chapter-ka labaad ayaan ugu jawaabay.”

Gabdhaha noocaan oo kale ah ee xeerarka Cilmi Nafsiga isticmaalaan waxaa ka badbaadi kara wiil maskax badan sida yarkaan oo kale hadii kale wiilal badan jaceyl sariir wey la kori doonaan kkkkk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here