Home » Box Office » Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka DILWALE DULHANIA LE JAYENGE

Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka DILWALE DULHANIA LE JAYENGE

Kusoo dhawaada maqaalkeena aan kaga hadleenay codsiga aqristayaasha ee ku aadan filimada Classic ah ee mudada dheer tiyaatarada saarnaa inaan xog dhameestiran ka siino.

Haddaba maanta waxaa miiska inoo saaran filimka fahanka nolosha ka qayb qaadanayo aadna loo jecel yahay ee Classic ah DILWALE DULHANIA LE JAYENGE waxaana naga soo codsaday aqriste Bkr.

DILWALE DULHANIA LE JAYENGE waxaa wada jileen  Shah Rukh Khan iyo Kajol. Waxaa Diretor ka ahaa Aditya Chopra sidoo kalena shirkada Yash Raj Films ayaa maal galisay.

DDLJ waxaa tiyaatarada la saaray 20 Oct 1995 waana filim All Time Blockbuster sidoo kalena wuxu soo xareeyay 53.31 Crore (Trade Figure) asigoo noqday filimkii lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadii 1995.

DDLJ lacagtiisa 53.31 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 461.33 Crore (Adjusted Net Gross) waana filimka waqtiga ugu dheer tiyaatarada saarnaa weliba 20-sano ayuu tiyaatarada saarnaa waxaana xusid mudan tiyaatarkii ugu dambeeyay ee uu saarnaa ma laga daawanayay inuu ahaa Maratha Mandir oo Mumbai ku yaalo asigoo 20-sano xariir ah tiyaatarkan saarnaa!

DDLJ waxaa Tikit u goosteen 47-milyan iyo 971,000 waxaana filimka 5-aad ee loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka 25-sano ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka DDLJ iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 3.37 Crore

Todobaadka labaad – 3.35 Crore

Todobaadka sedexaad – 3.48 Crore

Todobaadka afaraad –  3.34 Crore

Todobaadka shanaad – 2.98 Crore

Todobaadka lixaad – 2.75 Crore

Todobaadka todobaad – 2.66 Crore

Todobaadka sideedaad – 2.57 Crore

Todobaadka sagaalaad – 2.46 Crore

Todobaadka tobonaad – 2.42 Crore

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 23.89 Crore

Wadarta Guud – 53.31 Crore (Trade Figure)

Waxaa xusid mudan in filimka DDLJ tiyaatarada saarnaa 20-sano oo xariir ah sidaa darteed todobaadkiisa 11-aad wixii ka dambeeyay ilaa uu masraxa ka dagay ayay shabakada Boxoffice India isku dartay oo ah inuu keenay 23.89 Crore waana iskoor aan waligiis la jebin doonin!

Ogaansho Muhiim Ah Ka Hor Inta Aadan Codsi Soo Dhiibanin.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

Aqriste Abdirahman Abdinur Mu’min codsigiisa filimka Main Pyar Kiya inaan usoo gudbino inta todobaad ee uu saarnaa tiyaatarada ma heli karno madaama keedka saxan oo wax laga soo xigan karo shabakada Boxoffice India (BOI) iska leedahay ku jiraan dhamaadkii 1993 ilaa 2018 balse weli lama sixin wixii 1993 ka horeeyeen filimadii ay Bollywood-ka sameeyeen.

Classic Movies Ama Filimada Caanka Ah Aan Xogtooda Soo Gudbinay:

Filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..! iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka 3 IDIOTS iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

4 Responses to Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka DILWALE DULHANIA LE JAYENGE

  1. ramos Reply

    October 8, 2018 at 6:29 pm

    kg3

  2. ramos Reply

    October 8, 2018 at 6:30 pm

    fimkii srk hritick iyo kajol iyo cali dheere

  3. Inj haadi Reply

    October 8, 2018 at 10:50 pm

    Saxb raja hindustani ee soo gudbi

  4. abdisamad Reply

    October 8, 2018 at 11:01 pm

    kuch kuch ho ta hai

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *