Home » Box Office » Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka GADAR – EK PREM KATHA

Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka GADAR – EK PREM KATHA

Qaar ka mid ah aqristayaasheena qiimaha badan ayaa fariimo noogu soo direen barteena Facebook iyo halkaanba waxayna naga codsadeen filimka Classic ah GADAR – EK PREM KATHA inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa.

GADAR – EK PREM KATHA waxaa wada jileen Sunny Deol iyo Ameesha Patel halka Anil Sharma uu Director ka halka Zee Motion Pictures ay mashruucaan caanka ah maal galisay.

GADAR – EK PREM KATHA waxaa tiyaatarada la saaray 15 June 2011 waxayna isku dhaceen filimki caanka ahaa LAGAAN balse ganacsigiisa waxba uma dhimin madaama Gadar uu noqday All Time Blockbuster sidoo kalena wuxu soo xareeyay 76.88 Crore (Trade Figure) asigoo iskoorkii filimka Hum Aap Hain Kaun 72.46 Crore Bollywood-ka ku horkacaayay mudo shan sano ah jebiyay.

GADAR lacagtiisa 76.88 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 486.36 Crore (Adjusted Net Gross) waxaana ka badan oo kaliya Hum Aap Hain Kaun oo lacagtiisa 72.46 Crore u dhiganto 711.29 Crore iyo Baahubali 2 oo lacagtiisa tahay 510.36 Crore qaybtiisa Af Hindiga lagu fiirsaday. Taasi waxay ka dhigan tahay Gadar inuu yahay HIT-ka 3-aad ee ugu weyn Hindiya sameeyeen 25-sano ugu dambeesay.

GADAR waxaa tikit u goosteen 50-milyan iyo 573,000 oo qof waxaana ka badan oo kaliya Hum Aap Hain Kaun oo tikit u goosteen 73-milyan iyo 962-milyan oo qof iyo Baahubali 2 oo tikit u goosteen 52-milyan iyo 522,000 oo qof qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday.

Aan usoo laabano codsiga aqristayaasheena iyo filimka GADAR todobaad walbo lacagta uu keenay madaama aan xiligaan ka hadalno filim hebel todobaad walbo ganacsigaas ayuu sameeyaa.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 9.28 Crore

Todobaadka labaad – 10.05 Crore

Todobaadka sedexaad – 9.14 Crore

Todobaadka afaraad – 8.06 Crore

Todobaadka shanaad – 7.18 Crore

Todobaadka lixaad – 6.09 Crore

Todobaadka todobaad – 4.95 Crore

Todobaadka sideedaad – 4.06 Crore

Todobaadka sagaalaad – 3.36 Crore

Todobaadka tobonaad – 2.86 Crore

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 11.85 Crore

Wadarta Guud – 76.85 Crore (Trade Figure)

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

One Response to Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka GADAR – EK PREM KATHA

  1. Carafad

    October 8, 2018 at 6:41 pm

    Wxn codsnaya filmka kuch kuch hotai