Home » Box Office » Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka KABHI KHUSHI KABHIE GHAM…

Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka KABHI KHUSHI KABHIE GHAM…

Kusoo dhawaada maqaalkeena aan kaga hadleenay codsiga aqristayaasha ee ku aadan filimada Classic ah ee mudada dheer tiyaatarada saarnaa inaan xog dhameestiran ka siino.

Haddaba maanta waxaa miiska inoo saaran filimka weyn ee xidigaha ugu weyn Bollywood-ka la isugu keenay sidoo kalena qiirada badan ee arimaha nolosha qoyska ka hadlaayo mid kale ma ahan waa KABHI KHUSHI KABHIE GHAM… waxaana naga soo codsaday aqriste ramos.

KABHI KHUSHI KABHIE GHAM… waxaa wada jileen Amitabh Bachchan, Jaya Bachchan, Shah Rukh Khan, Kajol., Hrithik Roshan iyo Kareena Kapoor Waxaa Diretor ka ahaa Karan Johar sidoo kalena shirkada Dharma Productions ayaa maal galisay.

KG3 waxaa tiyaatarada la saaray 14 Dec 2001 waana filim Blockbuster sidoo kalena wuxu soo xareeyay 55.65 Crore (Trade Figure) halka kooxda cajaladaha qeybiyaan ay ka heleen 36.35 Crore asigoo noqday filimada labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadii 2001.

KG3 lacagtiisa 55.65 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 299.79 Crore (Adjusted Net Gross) waana filimka Classic ah oo ilaa haatan aan laga xiiso dhigeyn daawashadiisa.

KG3 waxaa Tikit u goosteen 31-milyan iyo 173,000 waana filimka 12-aad ee loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka 25-sano ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka KG3 iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 14.38 Crore

Todobaadka labaad – 11.87 Crore

Todobaadka sedexaad – 8.98 Crore

Todobaadka afaraad –  5.36 Crore

Todobaadka shanaad – 3.93 Crore

Todobaadka lixaad – 2.97 Crore

Todobaadka todobaad – 2.23 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.51 Crore

Todobaadka sagaalaad – 1.24 Crore

Todobaadka tobonaad – 81.50 Lakh

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 2.36 Crore

Wadarta Guud – 55.65 Crore (Trade Figure)

Waxaa xusid mudan in filimka KG3 uu Mumbai baaqi kusii ahaaday todobaadkisii 11-aad iyo wixii ka dambeeyay 100-maalmood ayuu saarnaa Mumbai taasi oo ka caawisay in 2.36 Crore uu keeno wixii ka dambeeyay todobaadkiisii 11-aad wadar ahaan la isugu daray.

Ogaansho Muhiim Ah Ka Hor Inta Aadan Codsi Soo Dhiibanin.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

Codsiga Aqristayaasha Ee Liiska Noogu Jiro:

Aqriste Abdirahman Abdinur Mu’min codsigiisa filimka Main Pyar Kiya inaan usoo gudbino inta todobaad ee uu saarnaa tiyaatarada ma heli karno madaama keedka saxan oo wax laga soo xigan karo shabakada Boxoffice India (BOI) iska leedahay ku jiraan dhamaadkii 1993 ilaa 2018 balse weli lama sixin wixii 1993 ka horeeyeen filimadii ay Bollywood-ka sameeyeen.

Inj haadi cosdigiisa Raja Hindustani

abdisamad cosdigiisa filimka Kuch Kuch Hota Hai

Classic Movies Ama Filimada Caanka Ah Aan Xogtooda Soo Gudbinay:

Filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..! iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka 3 IDIOTS iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka DILWALE DULHANIA LE JAYENGE iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

3 Responses to Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka KABHI KHUSHI KABHIE GHAM…

  1. Moha Ali Reply

    October 9, 2018 at 10:14 pm

    channai Expres

  2. Cabdi maalik gees cadde Reply

    October 10, 2018 at 3:34 pm

    Dhadkan

  3. ramos Reply

    October 11, 2018 at 1:17 pm

    aada u mahadsan tihiin filmside sida ad codsigeyga u tixgaliseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *